Skip to main content

Xamar yaa iska leh?

Islaamka iyo dowladnimada casriga ah waxay na barayaan in aysan dadku dhulka kala laheyn, oo uu qof kasta leeyahay, kuna nacfin karo, aana laga xigsan karin deegaanka uu markaas ku nool yahay. Balse Soomaalida oo ah bulsho qabali ah waxay u sameysan tahay in dhulka la kala leeyahay oo uu qabiil kasta dego deegaan gaar ah, qofkii u yimaadana uu u yahay marti tixgelin mudan. 

Waa sababta aad Raxanweyn u xusuusato markii aad Beydhabo maqasho, aadna u dareemeyso in aad joogto xarunta Saleemaanka markii aad Cadaado ka degto. Reer Muqdishana ay Wacadaan marti ugu noqdeen markii Ceelasha Biyaha loo qaxay. 

Isla magaalooyinka dhexdooda ayaa reeruhu kala leeyihiin, waana sababta ay Gaalkacyo ugu kala qeybsan tahay Waqooyi iyo Koofur, Beledweynana u kala tahay Bari iyo Galbeed, oo ruuxa Gaaljecelka ah u dareemayo in uu soo fogaaday markii uu Bariga tago, kan Xawaadlaha ahna uu marti ugu yahay Galbeedka. Waa sababta uu ruux Sacad Muuse ah u dareemayo in uu soo tallaabay markii uu Masallaha tago, kan Ciidagale ahna uu marti u yahay Jigjigayar. Waana isla sababta aad qofka qabiilkiisa u qiyaasi karto markii uu kuu sheego in uu deggan yahay Kaaraan, Kaxda iyo Deyniile.

Haddii ay Soomaaliya yeelato sharciga lahaanshiyaha dhulka oo ay ku heshiiso in aysan dalka kala yeelan oo ay u noolaato sidii dunida kale, qof kasta wuxuu ku noolaan karaa magaalo kasta isagoo aan cid kale marti uga aheyn. Balse inta ay Soomaalidu u nooshahay habka qabaliga ah ee magaalo kasta lagu yaqaanno dad gaar, qofka Soomaaliga ah ee deegaan kale tago wuxuu marti u yahay dadka deegaankaas iska leh.

Muqdisho waa caasimadda Soomaaliya. Waxaa lagu wada leeyahay in ay tahay caasimadda dalka, waxaana lagu kala leeyahay in ay jiraan dad loogu yimid oo ay deegaan u aheyd intii aanan caasimad laga dhigin. Inta ay magaalooyinka Soomaalidu wada yihiin goof uu leeyahay qabiil gaar ah, qofka Soomaaliga ahna ee aan u dhalanna uu martinno ku dareemayo Kismaayo, Baydhabo, Beledweyne, Dhuusamarreeb, Garowe iyo Hargeysa, Muqdishana waxay noqoneysaa goof ay leeyihiin reer gaar ah oo waxay la mid tahay magaalooyinkaas kale. 

Haddii ay Soomaalidu ku heshiiso in aysan dalka kala yeelan, magaalaadu waa magaaladeyga, teyduna waa taada. Haddii kalena waan kala leennahay. Soomaaliyey aan u noolaano sidii dunida casriga ah oo aanan dhulka la kala laheyn, ama aan u dhaqanno sidii dad goofley ah oo qof kasta goofkiisa gaar u leeyahay. Wixii labadaas u dhexeeyana waa lababogleyn iyo teyda lihi, taadana kula lihi.



Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...