100 sano ayaa maanta laga joogaa maalinkii uu geeriyooday. Duleedka magaalada Buuhoodle ayuu ku dhashay. Xer Suufi ah oo fadhigeedu ahaa dooxada Nugaaleed ayuu kutubo ka raacday. Xajka ayuu u safray, markii uu dalka ku soo laabtay waxaa u cuntami waysay dhaqanxumadii gumeystaha, wuxuuna goostay in uu la diriro. Ciidankii Daraawiishta ayuu unkay, wuxuuna halgan saddex geesood ah oo 21 sano socday la galay gumeystihii Ingiriiska, Talyaaniga iyo Xabashida.
Dagaal kudhufo oo kadhaqaaq ah oo ay adkaatay in looga guuleysto ayay gumeystihii la galeen. 41 furin ayayna isku farasaareen Ingiriiska oo uu midkood uga dilay Koofil oo ahaa taliyihii ciidanka Ingiriiska. Ugu dambeyntii Ingiriiska ayaa ku soo kiciyay diyaarado dagaal, waxayna duqeyeen Taleex iyo qalcadihii kale ee Daraawiishta, taas oo sababtay in ay Taleex isaga baxaan.
Halgan 21 sano socday oo taariikhda galay kadib, 100 sano kahor maanta oo kale[December 21, 1920] ayuu Sayid Maxamed Cabdulle Xasan wuxuu duumo ugu geeriyooday magaalada Iimey ee gobolka Soomaaligalbeed.
40 sano kadib geeridiisa ayay Soomaalidu xurnimo qaadatay. Dad badan waxay qabeen in xurriyada maalinkaas la helay ay ka dhalatay halgankii uu soo billaabay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan. Markii Abwaan Axmed Ismaaciil Diiriye(Qaasim) oo magaalada Cadan joogo loo sheegay in Calanka Hargeyso laga taagay waa kii ku gabyay:
Allow yaa Darwiishkii farriin debecsan gaarsiiya
Allow yaa dalluuntiyo qabriga dib uga soo saara
Allow yaa dadkaagii yiraa dawladnimo qaaday
Dhaaxuu ku daakiray xaqoo naga daahsoonaaye.
Wuxuu ahaa hoggaamiye geesi ah iyo aftahan uu gabaygu u ahaa hub uu ku dagaallamo. Si gobannimo leh ayuu gumeystaha ula diriray, waxaase taariikhdiisa iyo halgankiisa barmadow ku ah qabiilladii uu laayay ee uu xoolohoodiina mooraduugay. Yeelkiise, Eebe ha u raxmado Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

Allo af lamadaaliyee yaa daacad ugu sheega
ReplyDelete