Waxaa maanta soo gabagaboobay Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida oo uu machadka Heritage sanadkaan ku qabtay magaalada Garowe. Wixii madasha ka soo baxay waxaa laga heli karaa war-murtiyeedka shirka, waxaanse halkaan kugula wadaagayaa wixii iiga baxay asbuucii aan shirkaas joogay.
Madasha oo saddexdii sano ee la soo dhaafay Jabuuti ku martigelinaysay 200 oo qof waxaa sanadkaan ka qeybgalay dad ka badan 700, oo isaga kala yimid Soomaaliya. Waxaana ku kumlay dad deegaan ahaan iyo aragti ahaan kala fogaa oo ay adkeed in ay is arkaan. Shirku wuxuu ahaa mid siyaasadeed, waxaase siyaasiyiinta uga badnaa dadka ka socday bulshada kale. Sida ay dadku isu dhexgalayeen, shirkana loogu dooday waxaa ka muuqatay sida fudud ee ay Soomaalidu isu fahmi karto haddii ay wadahadasho.
Shirkaan wuxuu qaaday isbaarooyinkii dhexyaallay siyaasiyiinta. Dowladda, mucaaradka iyo siyaasiyiin aan Muqdisho isku arki jirin ayaa madasha isku warsaday, iskuna raalligaliyay. Kulankoodu wuxuu shacabka kala taageersan ee dartood u kala fogaaday u sheegayay in si kasta oo siyaasaddoodu u kala fog tahay, aysan shakhsiyaadku kala fogeyn.
Siyaasiyiintii aan Baraha Bulshada ka arki jirnay iyagoo kala hadlaya oo isku dhegahadlaya ayaa shirka ku wada hadlay. Doodo badan oo aan hal daraf ka maqli jirnay ayaan labada dhinac ka dhegeysannay. Xogo hoose oo dadweynaha ka qarsoonaa ayaa lagu dooday. Maalin heblaayo sidaas ayaan iri, sidaasna waan yeelay; iyo sidaas ma aadan dhihin, sidaasna ma aadan yeelin, ee sidaas ayaa tiri, sidaasna waad yeeshay, ayaa la is yiri.
Siyaasiyiinta oo Muqdisho ku kala ahaa dowlad Madaxtooyada ku jirta iyo mucaarad bannaanka taagan ayaa isugu tegay Garowe oo ay marti ku wada noqdeen. Haddii markii siyaasigu uu xaflad qabsanayo u yeeran jiray taageerayaal u sacbiya, hadda waxaa la isla tegay hool ay ku jiraan dad waxgarad ah, oo aan iska qaadaneyn wax kasta oo loo sheego. Madaxda oo ay ku hareeraysan yihiin dad aan runta iyo xaqiiqada u sheegin ayaa waxaa jaanis ku helay dad xogogaal ah oo aan fursad ku heli jirin, waxayna waydiiyeen su'aalo aan malaynayo in aan waligood la soo waydiin.
Madashaan waxaan ku ogaaday in laamaha dowladdu aysan wadahadlin, aysanna wadashaqeyn. Arrimo dowladnimada aasaas u ah oo ay aheyd in mar kore laga heshiiyo ayay su’aalo iska waydiinayeen. Tolow maxay qaban jireen, yaase shaqadaas dalka ugu maqan haddii dadkii lahaa ee waqtigoodu dhammaaday ay maanta su’aalo iska waydiinayaan?
Shirkaan wuxuu shaqadiisa baray Telefishanka Qaranka Soomaaliyeed(SNTV) oo waayahaan ku hadlayay afka Nabad iyo Nolol. SNTV wuxuu ku baraarugay in uu yahay telefishan Soomaaliyeed oo u dhexeeya mucaarad iyo muxaafad, wuxuuna si toos ah u tabinayay khudbadaha shirka. Malaheyga, sanadaha uu Madaxweyne Farmaajo joogo waxay aheyd markii ugu horreysay ee khudbadaha Xasan Shiikh, Shariif Sh. Axmed iyo Axmed Madoobe si toos ah looga baahiyay Telefishanka Qaranka.
Madashaan waxaan ku bartay dad qiimo badan. Waxaan ku kulannay asxaab aanan muddo is arkin iyo dad aan Baraha Bulshada iska arki jiray. Machadka Heritage waxaan ku bogaadinayaa gogosha uu Soomaalida u fidiyay. Dowladda iyo shacabna Puntland waxaan ku mahadcelinayaa sida gobannimada ah ee ay noo martigaliyeen.
Masha allah ustaad aadbaan ula dhacay
ReplyDeleteMashallah, waa qormo qiimo leh!
ReplyDeleteMahadsanid sxb Hussein sabriye
ReplyDeletewaan arkay warmurtiyeedka shirka kasoo baxay waxaa ayaan darro ah in boqolaalkii ruux ee meesha laysugu geeyay laga waayay qof ku dhiirado in uu yiraahdo "war dalkeenu guumeysi ayuu kujiraa ee aan iska yuraynno" badnaa siyaasiyiintii hadlay waxay ubadanaayeen dabadhilifyo shisheeyaha lasoo shaqeeyay iyo kuwa hadda uheellan in ay la shaqeeyaan.
ReplyDeletemarka laga reebo aqoonyahanada qaar iyo dhalinyarada meesha tagay sida xuseen sabriyo oo kale
waxaa kale oo in labaraarujiyay mudan waxaa shirka aad diiradda loogu saaray arrimaha dastuurka ee aan ognahay in uu shareecada Rabbi liddi ku yahay
lama hayo siyaasi dhahay aan shareecada islaamka dastuur ka dhiganno kuna kufrinno dimuquraadiyadda iyo wax beesha caalamku nagu gumeysanayso