Guushu way aabbeyaal badan tahay, guuldarraduse waa agoon. In ay Kenya ka baxdo dhageysiga dacwadda badda waa libin u soo hoyatay Soomaaliya, waxaana mahaddeeda iyo abaalkeeda leh Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo dacwaddaas horgeeyay maxkamadda ICJ, bishii Agoosto ee 2014.
Xasan Shiikh wuxuu kiiska badda siiyay tixgelintii ay mudneyd. Isaga ayaa gacanta ku hayay galka badda, oo warqad uu saxiixay ayaa dacwada lagu geeyay ICJ, isaga ayaa magacaabay khubaradii Soomaaliya wakiilka uga ahaa dacwada, mar kasta oo ay kiiskaas wax ku soo kordhaanna wuxuu la hadli jiray warbaahinta, wuxuuna shacabka uga warbixin jiray halka ay wax marayaan.
Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu kiiska badda u maareeyay si xilkasnimo ah, wuxuuna dacwada badda u yeelay dareen qaran, oo mar kasta oo maxkamadda la tagayo waxay Dowladdu casuumi jirtay saxaafadda, baarlamaanka, qurbajoogta iyo bulshada rayidka ah. Taas ayaana suuragalisay in ay mar kasta shacabku si dhow ula socdaan halka ay dacwadu mareyso.
Markii ay maxkmadda ICJ aqbashay in ay qaaddo dacwadda badda wuxuu la hadlay warbaahinta, wuxuuna yiri "Waxaan umadda Soomaaliyeed u ballanqaadayaa, inta aan noolahay, haddii aan Madaxweyne ahay iyo haddii aanan Madaxweyne aheynba, in aanan marnaba raalli ka noqoneynin in la qaato mitir ka mid ah biyaha Soomaaliya. Ma jirto sabab aan uga tanaazuli karno. Shalay ayaan laheyn, oo awoowayaasheen ayaa lahaa, maanta annaga ayaa leh, kuwa naga dambeeya ayaana berri lahaan doona."
Xasan Shiikh wuxuu muujiyay in uu madaxda maanta uga lexajeclo badan yahay badda Soomaaliya, wuxuuna ka dhabeeyay ballanqaadkiisii ahaa in uu u taagnaan doono qadiyadda badda, oo malaha ma jirto mar uu hadlay oo uusan arrinkaan soo hadalqaain, madaxdana ugu baaqin in ay kiiskaan siiyaan miisaanka uu mudan yahay.
May 2020 ayuu warhaabinta la hadlay. Wuxuu yiri “Dacwada baddu waxay afar sano taagan tahay meeshii aan uga tagnay, saddex jeer ayaa dacwada dib loo dhigay, dowladdeennuna waxay mar walba noo sheegtaa in ay diiddanayd in dib loo dhigo, balse wax intaas caddaynaya marnaba shacabka lama wadaagin"
Guushu waa aabbayaal badan tahaye. Libinta maanta badda uga soo hoyatay Soomaaliya waa miraha geedkii uu Xasan Shiikh beeray 2014. Waa juhdigii iyo halgankii uu galay 7 sano kahor. Sidii uu ugu taagnaa isagoo Madaxweyne ah iyo isagoo aan aheyn, ayay ugu tahay dhaxal aan duugoobeynin haddii uu nool yahay iyo haddii uu dhintaba. Si kasta oo maanta la isugu dayo in libintaas la afduubto, shacabku way oyihiin, taariikhduna way xusi doontaa, carruurteennana waan uga sheekeyn doonnaa in uu Xasan Shiikh ahaa madaale mar kasta u taagan difaaca qaddiyadda badda Soomaaliya.
maanta ma lawereegnay badii xanibneyd?? mise waa wali?
ReplyDeleteWell said bro, despite all the nay sayers of CBB.
ReplyDelete