Skip to main content

PhD niney gashey rabtaa!

Markii ay socotay qabanqaabadii shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaalida ee 2002 ka furmay Eldoret, Kenya, ayaa hogaamiye-kooxeed kasta laga dalbaday in uu soo gudbiyo wafdiga shirka kala qeybgalaya. Maadaama shirka looga hadlayay nabadeyn, daldhis iyo dowladnimo waxaa muhiim noqotay in qabqable kasta beeshiisa ka xusho dad hawlahaas fahmi kara.

Muuse Suudi Yalahow wuxuu qortay Eng. Yariisow oo afhayeen u noqday iyo nin aqoonyahan ahaa oo PhD ka soo qaatay jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska.

Muuse Suudi wax weyn ayuu ka filayay ninkii PhD-da watay, wuxuuse ka niyadjabay aragtidii koobaad markii loo keenay arkay nin eey wato oo dabagaab xiran, oo ay silsilad qoorta ugu jirto. Intaas waxaa Muuse Suudi uga sii darneyd in uusan ninku wax faham ah ka haysan dooddii iyo isjiijiidkii meesha ka socday. Kaaga darane ninku af Soomaaliga waa ku dhibbanaa oo wuxuu ku hadlayay af Ingiriis, oo aysan fahmi karin dadkii doodda isku hayay.

Markii 2004 la isugu tegayay shirkii Imbagaati, Kenya, ayaa Muuse Suudi wuxuu wafdigiisii ka reebay ninkii PhD-da watay. Muuse Suudi waxaa lagu eedeeyay in uu iska fogeynayo dadka aqoonta leh, maadaama uu aqoonyahankii wafdiga ka reebay. Beeshiisa ayaana Muuse Suudi gogol ugu dhigatay xaafadda Islii, waxaana la waydiiyay sababta uu aqoonyahanka uga tegay.

Muuse Suudi wuu ka meermeertay in uu su’aashaas ka jawaabo, balse markii laga dabageeyay ayuu ku jawaabay: PhD niney gashey rabtaa!

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ‘waano abuuris ayaa ka horreysay.’ Cilmiga aad baratay waxaa ka muhiimsan kana saameyn badan qofnimadii aad la dhalatay. Cilmigu waa kaalmaati oo indhaha ayuu kuu furi karaa, balse ciyaaye ayuu u ciidamiyaa.

Xikmadda Muuse Suudi iyo sawirkaan jilliinka ah ee uu Xaaji Dahabi ka qaaday Ayaanle LK waxay noo sharxayaan in ay aqoontaadu tahay xoog doofaar lagu eryay haddii aysan la falgelin qofnimadaada oo aysan dhaqankaada iyo fahamkaada nolosha wax ka bedelin.

Waa run oo PhD nin ay gasho ayay rabtaa, oo kaama dhigayso qof aadan aheyn. PhD waxay sheegeysaa in aad aqoon leedahay, ee ma caddeyneyso in aad waxgarad tahay. Haddii aad dun xun tahay oo dadnimada ka arradan tahay, PhD ma astureyso ceebtaada oo kaama dhigayso qof kale. Haddii aad doqon tahayna PhD kuuma rogeyso caaqil bannaanka ku dhacay. Haddii aad tahay indhabaqaaq aan suuqa fahmi karinna PhD kuma siineyso shaqo, mana kuu shubeyso koob shaah ah.

“Cilmiga ha laguu dhigee,
Caqliga kaasho baa la yiri” Hanuuniye


Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...