Dec 2016 ayuu Farmaajo dib ugu soo laabtay Muqdisho oo ay ugu dambeysay markii looga guuleystay doorashadii Sept 2012. Maalinkii uu Muqdisho ka soo degay isagoo musharrax ah waxaa ilaalinayay ciidan dowladeed oo gantaallo ku hubeysan. Shacab ayaa soo dhoweeyay, mana jirin cid carqaladaysay. Bil kadibna Madaxweyne ayaa loo doortay. Habeenkii la doortay waxaa garbihiisa istaagay oo guushiisa bogaadiyay labadii Madaxweyne ee ka horreysay, Xasan Shiikh iyo Shiikh Shariif.
Xasan Shiikh oo habeenkaas hadlay wuxuu si niyad ah ugu hambalyeeyay Madaxweyne Farmaajo. Wuu u duceeyay, wuxuuna Soomaalida iyo Beesha Caalamkaba ugu baaqay in ay garab-istaagaan. Shacabkuna taageeradiisa uma kala harin oo waxaa habeenkaas Muqdisho iyo gobollada kaleba ka dhacay bannaanbaxyo farxadeed oo lagu soo dhoweynayo Madaxweyne Farmaajo, oo aan malaynayo in aysan cid kale heli doonin.
La mood, noqose wayday. Farmaajo wuxuu dowladnimadii curdarka aheyd kula orday jid qardajeex ah oo qodxo badan. Dal iyo dad midna uma turin. Wuxuu Itoobiya u dhiibay muwaadin Soomaali ah. Siyaasi mucaarad ah ayuu hoygiisa ku weeraray. Wuxuu si sharcidarro ah u riday Guddoomiyihii Baarlamaanka iyo Raysulwasaarihiisii. Wuxuu weeraray labadii Madaxweyne ee isaga ka horreysay. Wuxuuna u diiday in ay garoonka ka safraan. Wuxuu rasaaseeyay musharrixiin iyo shacab boorar wata oo bannaanbaxaya. Shalayna wuxuu mar kale guyahooda ku weeraray Madaxweyne xasan Shiikh iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Doorashooyin uu dhiig ku daatay ayuu ka hirgeliyay Galmudug iyo Koofur-galbeed. Wuxuu cunaqabateyn saaray Jubbaland. Wuxuu cuuryaamiyay maamulkii Hirshabeelle, oo wuxuu u dooray Madaxweyne aysan heshiis ku aheyn. Waa sababta aan weli loo caleemasaarin Cali Guudlaawe oo lix bil dooran oo aan tegi karin Beledweyne, gobolka Hiiraanna ay jabhad qabiil uga aasaasantay.
Halka uu Farmaajo u socday waxay aheyd in uu kursiga xoog ku sii haysto, uuna la dagaalo cid kasta oo damiciisa diiddan. Taasina waxay sababtay in aan maanta la is aaminin oo ay Muqdisho hub kala soo degaan Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo Xalane soo dhaafi waayay. In 10 sano kadib ay Beesha Caalamku soo magacaawdo ergay kala dhexdhexaadiya Soomaaliya. Iyo in dagaal ka qarxay Muqdisho oo ay maanta kala xiran tahay, waxaana dhufeyso isugu jira ciidankii dowladda ee halka furin ku wada jiray markii Farmaajo la doortay.
Ololihii Farmaajo waxaa hal-ku-dhig u ahaa: danta dalka iyo dadka. Balse dalka iyo dadkuba waxay maanta ku jiraan qalqal amni iyo qalalaaso siyaasadeed. Dad badan oo guushiisa bannaanbax-farxadeed ku soo dhoweeyay ayaa shalay guryahoodii ka qaxay, qaar kalena waxay caawa ku seexanayaan cabsi iyo dhiillo coladeed.
Farmaajo ma sidii aan moodnay, ma sida uu noqday, mise sida aan loo noqon doonin. Madaxweyne danta dalka iyo dadka ka shaqeyn doona ayaan moodnay. Balse waa nooga sii daray oo nin aan xilkas aheyn oo dalkii iyo dadkiiba qalqal amni iyo qalalaaso siyaasadeed galiyay ayuu noqday. Waxaanse loo noqon doonin in mar kale lagu sirmo.
Mahadsanid sabrie
ReplyDelete