Skip to main content

Halgan guuleystay!

Waa Xuseen Sabriye oo la sawiran Ismaaciil Salaad Jaamac. 12 sano kahor Geeljire ayuu ahaa, maantana waa Sheybaariiste ka hawlgala mid kamid isbitaallada Muqdisho ugu tayada fiican. 

Baadiyaha Godinlabe ayuu ku dhashay kuna soo barbaaray. Qoyskiisa oo reer guuraa ah ayuu xoog iyo lafdhabar u ahaa. Markii uu soo qaangaaray iyadoo ay waalidkiis qorsheynayaan in loo guuriyo gabar ay ehel ahaayeen ayuu go’aansaday in uu sahan waxbarasho u soo aado Muqdisho. Xamar oo laga kala cararay oo duleedkeeda loo barakacay ayuu soo galay, wuxuuna uga sii gudbay Ceelasha Biyaha. 

Adeerkiis oo waardiyo ka ahaa iskuulkii aan anigu dhigan jiray ayuu u tegay. Maalinkii bareefad ayuu Xisaab, af Soomaali, Carabi iyo Ingiriis ka dhiganayay. Habeenkiina adeerkiis ayuu iskuulka kula hoyan jiray. Waxaan arki jiray isagoo buugaag wato oo wixii ku adkaada waydiinaya macallimiinta iskuulka. 

Markii Ceelasha Biyaha laga soo laabtay ayaa adeerkiis shaqadii iskuulka ka tegay. Isaga ayaana waardiyo ka noqday iskuulkii oo dhawr jeer naftiisa halis ku galiyeen ciidanka AMISOM ee Ceelasha qabsaday. 

Markii sanad-dugsiyeedkii dib u furmay ayuu iskuulka ka galay imtixaan qabuul ah. Waxaana la fariisiyay fasalka 6-aad. Xishoodka iyo islawaynidu uma diidin in uu waxbarto oo isagoo weyn uu la fariisto carruur yar yar. Gelinka hore iskuulka ayuu dhiganayay, gelinka dambe bareefad ayuu galayay, habeenkiina iskuulka ayuu waardiyo ka ahaa.

2016 ayaa iskuulkii u dhamaaday, wuxuuna cilmiga sheybaarka ka galay jaamacadda Jazeera xarnteeda Banaadir oo uu subax kasta ka soo aadayay Ceelasha Biyaha. Lacagta uu waardiyaha iskuulka ka helo ayuu wax ku baranayay. Maalmaha Khamiista iyo Jimcahana wuxuu macallin u ahaa carruur iskuulka loogu dhigayay fasallada 1-aad iyo 2-aad ee dugsiga hoose.

Markii uu billaabay simistarka 5-aad ee jaamacadda ayuu Muqdisho u soo wareegay, si uu baraatiko ugu helo cilmigii uu baranayay. Isbitaalka Shaafi ayuu ka codsaday in uu tababar ku qaato, waana laga aqbalay. Gelinka hore jaamacadda ayuu dhiganayay, gelinka dambena sheybaarka isbitaalka ayuu tababar ku qaadanayay, habeenkiina wuxuu ahaa Macallin-guri(Home Teacher) si uu halkaas uga soo saarto qarashka waxbarashada.

Sanad iyo barkii uu Ismail Sald tababarka u joogay isbitaalka Shaafi wuxuu helay khibrad fiican, wuxuuna galay imtixaan uu 2019kii qaadayay isbitaalka Dr. Jimcaale ee Sanca. Kaalinta 1-aad ayuu galay, wuxuuna isbitaalka ka shaqeyn jiray shift habeen ah, maalinkiina wuxuu dhiganayay jaamacadda.

Jaamacaddii waxay u dhamaatay June 2020. Dec 2020 ayuu tartan u galay boos Sheybaariiste ah oo ka bannaanaa isbitaalka Shaafi. Wuxuu imtixaankii ka galay kaalinta 1-aad, wuxuuna hadda Sheybaariiste ka yahay isbitaalka Shaafi oo aan galabta kula kulmay.

Halgan waxbarasho oo guuleystay ayuu galay. Mustaqbal ifaya ayaan u rajaynayaa saaxiibkey Ismaaciil Salaad Jaamac.



Comments

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...