Skip to main content

Muqdisho nabad ayay rabtaa ee yaan dagaal loogu booteyn!

Maalin Khamiis ah oo ku beegan 14 sano kahor maanta oo kale(April 19, 2007) waxaa Muqdisho ka billaawday dagaalkii sagaalka maalmood, ee ay shacabka Muqdisho la galeen ciidankii Itoobiya. Waxaa lagu sheegaa dagaalkii ugu cuslaa ee abid Muqdisho ka dhacay. Laamiyada Muqdisho ayaa lagu gubay, laguna jiijiiday maydadkii Itoobiyaanka, maalmo kadibna wargeys ka soo baxa Yaman ayaa qoray in 89 askari oo Itoobiyaan ah oo ka soo baxsatay dagaalka Muqdisho ay tahriib ku galeen dalka Yaman.

Shacabku waxay ka kaceen xadgudubyadii ay u gaysanaysay Itoobiya, dagaalkuna uma aheyn xalka koobaad ee waxay doorteen markii ay dhanka Itoobiya ka fashilmeen heshiisyo ay la galeen odayaashii dhaqanka. Reer Muqdisho waxay u dhiirradeen in ay AK47 la hortagaan cadaw taangiyo ku hubaysan, waxaana halgangooda hal-ku-dhig u ahaa: geeri ama gobannimo.

Sagaalkii maalmood kadib, Guddoomiyihii Maxkamadaha, Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in ay bedeleen kaartadii dagaalka, waxayna qaateen taatiko guuleysatay oo ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq ah.

Dagaalkii Itoobiya looma kala harin oo qof kasta wuxuu ku biiriyay wixii uu heli karay. Dhalinyaro ayaa furinta hore ka dagaallamaysay, haween ayaa halgamayaasha baad iyo biyo la daba taagnaa, dhakhaatiirtu waxay la daba joogeen cirbado dhiigjoojin ah, ganacsatadu hiil iyo hoo ayay la garabtaagneyd, qurbajoogta Muqdishana waxay baal dahab ah ka galeen halgankaas guuleystay. 

Markaas ay Itoobiya xasuuqayso shacabka Muqdisho waxaa iyada la safnaa siyaasiyiin reer Muqdisho ah oo ku diganayay shacabka. Itoobiya waxaa soo horkacay oo difaac u ahaa Cali Maxamed Geeddi. Wasiir-ku-xigeenkii Gaashaandhigga, Salaad Cali Jeelle wuxuu dagaalka ku tilmaamay mid qabiil. Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Gacmadheere, wuxuu taageeray madaafiicdii ay Itoobiya ku garaacaysay Muqdisho. Gacmadheere wuxuu dadkii qaxay ku tilmaamay dalxiisayaal, wuxuuna joojiyay gargaar ay WFP gaarsiin laheyd barakacayaasha. Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Maxamed Dheere wuxuu isaguna shacabkii barakacay ku tilmaamay argagixiso. Waxaana la xiray idaacadihii Horn Afrik, Shabeelle iyo IQK oo ahaa isgaarsiintii iyo ilihii ay wararka ka helayeen reer Muqdisho.

Noloshu uma joogsan xasuuqii Itoobiya, oo Iskuullo iyo jaamacado jiingad ah oo duleedka Muqdisho laga dhisay ayaa wax lagu baranayay. Waxaana xusuustaa arday aan isku fasal aheyn oo aan maalinkii iskuulka isla dhiganaynay, habeenkiina la dagaallamaysay Itoobiyaanka. Dhalinyaradaas qaarkood waxay maanta ku nool yihiin Muqdisho, waxayna harsanayaan hooska halgankii ay shalay naftooda u soo hureen. 

Itoobiya shacabka iyo ciidduba waa la colloobeen. Halgan iyo jihaad dheer kadibna lafaheeda ayay Muqdisho kala carartay. Reer Muqdishana subaxaas ayay farxad kula soo firxadeen guryahoodii. Maalinkaas waxay shacabka Muqdisho u aheyd maalin ciid ah oo ku suntan halgan guuleystay. 

Waxaan arkay wiilal farriin isku mid ah loo soo dhiibay oo dhahaya "Reer Muqdishow kala doorta Farmaajo iyo burbur" Dadkaas jawaabtii ugu fiicneyd waxaa siiyay Senator Dhegdheer oo ku yiri "Waxaan maqlaayay saraha Xamar ayaa la jajabihaa. Sarahaanu sharaf iyo gobonnimo ayay ku dhisan yihiin, ee kuma dhisna waa ku gumaysanaa ama sarahaan kaa dumihaa"

Muqdisho baryo kuma dhismin ee halgan iyo dagaal ayay ku noqotay sida ay maanta tahay. Diktaytar uma dulqaadanayso, oo barqo cad ayay dowlad la'aan ka dooratay, gumeysina xasuuq ayay ka dooratay. 

Muqdisho nabad iyo xasillooni ayay rabtaa ee yaan dagaal iyo burburin loogu booteyn. Xamar xeer iyo xeelad mooyee, xoog iyo xabbad laguma joogi karo. Mana jiro qof caano ka cabaya haddii dagaal ka dhaco, ee dowladdu yeysan hurdada ka kicin fidno hurdeysa.




Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...