Waxaan dhegaytay wareysi ay BBCdu 2008dii ka qaadday abwaan Cabdi Muxumed Amiin. Wareysigaan wuxuu uga sheekeeyay noloshii iyo xaaladdii uu ka sameeyay heesta hirgashay ee Laankuruusar ee ay qaaddo Saado Cali Warsame.
Muqdisho oo uu 8 sano ka maqnaa oo faqri iyo sicirbarar ka jiraan, korontada iyo biyuhuna ciriiri yihiin, shacabkuna ay mucaawino saf ugu jiraan; halka ay magaaladu la ciirciiraysay gawaaridii Laankuruusarka ee qaaliga aheyd oo ay ku socdeen madaxdii dowladda iyo qoysaskoodii ayuu Cabdi Muxumed 1989kii ku soo laabtay. Noloshaas ayuuna ka sameeyay heesta Laankuruusar oo uu ku cabiray noloshii magaalada ka jirtay.
Heestaas waa laga kala cararay oo fannaan ku dhiirrado in uu ku luqeeyo ayuu waayay. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo markaas ahaa Agaasimaha Tiyaatarka Qaranka ayaa Saado Cali Warsame ku qanciyay in ay heestaan ka qaaddo xaflad uu soo xaadirayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Taageero iyo sacab ayaa looga falceliyay. Waa lagu digaa ruux hadduu kuu darnaan jiraye; saddex jeer ayay dadweynuhu Saado Cali ka codsadeen in ay ugu soo celiso. Waa heestii ku billaabanaysay:
"Waa maan gurracan iyo garasho jaan
Laankuruusar gado oo soo bari galley"
Maxamed Siyaad wuxuu markiiba amray in la xiro Cabdi Muxumed iyo Saado Cali. Waxayna xirnaayeen ilaa 1990kii.
Cabdi Muxumed wuxuu wareysiga ku sheegay in Cabdi Xaashi oo ay saaxiib ahaayeen uu weligiisba ahaa dulmidiid ku dhiirran in uu xaqa u hiilliyo. 4taan sano ee uu Aqalka Sare Goddoomiyaha ka yahayna wuxuu astaan u ahaa qabka, hal-adeygga iyo dulmidiidnimada. Wuxuu bilay magaca Aqalka Sare, oo aan marnaba ka qeybqaadan qalalaasihii dalka ka dhacay oo uu Golaha Shacabku ku lug yeeshay.
Khudbad garnaqsi iyo laab-ka-hadal ah oo uu habeen hore jeediyay ayuu ku yiri “4tii sano ee aan Guddoomiyaha ahaa Farmaajo marnaba dhinac dastuur uma leexan, aniguna waan ku diidayay oo marnaba sharcidarro kama ogolaanin. Maya baan oran jiray!”
Cabdi Xaashi waa nin aan siyaasadda ugu jirin in uu ka bariiseeyo ee mabda’ iyo aragti u taagan. Isagoo ay reerkiisu Somaliland maamulaan ayuu halkaan astaan uga yahay midnimada iyo in aan la kalategin. Mabda’aas ayuuna Muqdisho oo holceysa uga doortay Hargeyso oo nabad ah, wuxuuna gacan ku gaystay dadaalladii lagu nabadeynayay.
Khudbaddiisii ayuu ku yiri “30kii sano ee aan burburka ku jirnay wixii dhacayay goobjoog ayaan ka ahaa. Marnaba iguma soo dhicin wax aan aheyn midnimo, nabad iyo sidii dowlad caadil ah loo heli lahaa. Daacad baan ka ahay dalkaan nabaddiisa, midnimadiisa iyo horumarkiisa. Nafteyda ayaan u hibeynayaa. Fikirkeyguna waligiis taas kama leexan.”
Mabda’aas iyo sooyaalkaas qurxoon laguma ixtiraamin ee dad aan xilkas aheyn ayay siyaasaddu wax ugu dartay. In ay soo xareystaan oo ay adeegsadaan ayay isku dayeen, markii uu ka diidayna in ay ka boodaan oo aan masiirka dadkiisa laga talagelin ayay go’aansadeen, waana kuwaas dhisay, ee maantana doortay guddi doorasho oo uusan raalli ka aheyn.
Ma jirto maxkamad dastuuri ah oo uu uga dacwoodo. Khudbaddii habeen hore ayuu ku yiri “Anigu caawa dood baan qabaa. Waxaan u dacwo ahay shacabka Soomaaliyeed, waayo ma jirto maxkamad aan u dacwoodo. Xildoon ma ihi, xooladoon ma ihi, waxaan ahay xaldoone. Xal baan raadinayaa. Midnimo Soomaaliyeed baan rabaa”
Cabdi Xaashi wuxuu cimrigiisa ku soo dhammeystay oo madaxiisu ku cirreystay in uu dadkiisa u adeego. 50 sano ka hor ayuu Ceel-Jaalle Macallin ka noqday. Maanta oo uu 76 jir yahayna jidkaas ayuu ku taagan yahay. Wuxuuna mudan yahay in lagu ixtiraamo sooyaalkiisa qurxoon iyo in uu yahay waayeel madixiisu ku cirreystay in uu dalkaan iyo dadkaan u adeego.
Cabdi Xaashi wuxuu astaan iyo tusaale nool u yahay dadka tirada yar ee mabda’a iyo dulmidiidnimadu ku weyn yihiin. Sida uu abwaan Cabdi Muxumed Amiin u qiray in uu qarnigii hore dagaal kula jiray dowladdii uu u shaqeynayay, oo uu Tiyaatarkii uu Agaasimaha uga ahaa ka dhigay masrax dowladda runta loogu sheego, ayaan annaguna maanta marqaati uga nahay in uu ku taagan yahay mabda’ii iyo jidkii uu maalinkaas ku joogay, iyo in uu diiday in jeebka la gashado oo uu sharaftiisa ku gorgortamo, xilli indhasarcaadku badnaa oo ay adkeyd in xaqiiqada iyo dhalanteedka la kala saaro.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.