Xaafad ay deggan yihiin dad isjecel oo derisnimadu ku weyn tahay ayaan ku soo barbaaray. Debka, cusbada iyo caleenta waa la kala qaadanayay. Waxna waa kala amaahan jireen. Fiidkii haweenka xaafaddu barxadda guriga ayay ku sheekeysan jireen. Habeenkii way isbaryeynayeen oo 'soo barya' ayay ku kala seexanayeen. Aroortiina waa isbariidinayeen oo 'xalay mala beryay?' ayay isku salaamayeen. Haweenku waxay lahaayeen geed ay ku kulmaan oo ay ku duceystaan. Odayaashuna geed weyn ayay galabkii ku sheekeysan jireen, oo BBC ku wada dhagaysanayeen.
Waxay ahaayeen dad talo ka dhexeyso, isceshada, carruurtana aan kala xigsan haddii ay isdagaalaan. Waxay ahaayeen deris iska warqaba oo kaalmeeya kuwa danyarta ah. Waxaa la igu soo barbaariyay in ay dadkaas waalid iyo walaal ii wada yihiin. Carruurta xaafaddu waa isku xirnaayeen, duruufo isku mid ah ayayna ku wada noolaayeen. Qof haddii uu dhintana inta Dugsiyada la fasaxo oo sab la dhigo ayaa qoyskaas dareenka lala qeybsanayay. Dhimashaduna waa yareed oo waxaa labadaas maalin laga sheekeyn jiray sidii uu qofkaas u dhintay.
Sidaas ayay u akeyd noloshii iyo derisnimadii aan Dac ku soo arkay. Xamar ayaan soo galay, waxaana degay xaafadda Maxamuud Xarbi oo ay Xararyaalle, Furayaasha, Labadhagax iyo Xamarbile ku kala barmaan. Dad kala qabiil ah oo ay ka dhexeyso derisnimo xididaysatay ayaan ugu imid. Deriska qaar guryahooda ayaa dhexda isaga furnaa. Sida ay guryahoodu isugu furan yihiin ayayna qalbiyadoodu isugu furanaayeen.
Wax badan ayay wadaagayeen oo cusbada, caleenta, xawaashka iyo dhuxusha ayay kala qaadanayeen. Hal qoys haddii uu landline ugu jiro, deriska kalena waa la wadaagayeen. Haddii dibadda loo baahdana baranjiyada xaafadda ayaa la wada aadayay. Cidda uu TV ugu jiro ayaana ciyaarta laga wada daawanayay.
Ciyaalka xaafaddu waxay lahaayeen meel ay tarraqa, dubnadda iyo turubka ku ciyaaraan, iyo jardiinno ay ku sheekeystaan. Si furan ayaa loo qaraaxeysanayay. Waa la isu camirayay, waana la isku camiranayay. Qofkii maalinkaas shaleemada filin ka soo daawaday ama soo dhegeystay sheekooyinkii tixanaha ahaa ee idaacadaha ayuuna habeenkaas jardiinku u camirnaa. Qof kastana wuxuu ku qasbanaa in uu la qabsado wixii soo cusub si uusan u harin oo uu sheekada jardiinka ula socdo.
Nolol fudud ayaa magaalada ka jirtay. Dukaammada xaafadda waxaa iskifaallaha u saarnaa waxyaabo kooban oo muhiim u ah nolosha dadka, qof kastana waxa uu rabo ayuu ka helayay oo baahiyaha dadka ayaa sidaas u koobnaa.
Dhalinyarada xaafadda ayaa dhexdooda, odayaasha iyo carruurta timaha free ugu jaraysay. Boosaska aan dhisneynna waxay ahaayeen garoommada banooniga lagu ciyaaro. Ciyaalka xaafaddu waxay ahaayeen xulufo aan kala harin. Sabta, dabaasha, weerada, shaleemada, bareefadyada, footooyinka iyo Internet Cafe-yada ayay isu raacayeen. Waxaana caadi aheyd in uu qofku qaraabasalaan u raaco qoys ay deris uun yihiin oo aysan xitaa isku qabiil aheyn.
Subaxa ay sab ama aroos xaafadda ka jiraan guryaha kale waa looga talagelayay oo gurigaas ayaa quraacda lagu wada lahaa. Qofkii guursadana ma fogaan jirin ee xaafaddiisa ayuu dhinac ka degayay.
Noloshu xamaasad iyo dhadhan fiican ayay laheyd oo qofka wax weyn ayay la aheyd in uu badda ku soo dabaasho, photo sawir ku soo galo, idaacad magiciisa laga sheego, wariye soo arko, shaleemo aado, internet cafe galo, ama uu Landline ku hadlo.
Derisnimadaas waxay dhadhan sii yeelatay oo lagu caanamaalay markii Itoobiyaanku soo galay ee Xamar lagu kala cararay. Waa la ismutay oo waa la isku duldegay. Meel lagu kala haro ma leh ee na keena ayaana ka dhacday. Walaaltinnimo iyo waxqeybsi derisnimo ku dhisan ayaa lagu soo mooday. Qaxii isdhexgal bulsho iyo ilbaxnimo ayaa laga helay ee dad Madiino, Juungal iyo Soonakey ka soo qaxay ayaan deris noqonnay. Dad badan oo aan weli isxiriirinno ayuu i baray.
Hal Muqdisho ayaan imid, waxaanse hadda ku noolahay labo Muqdisho. Waa labo Muqdisho oo jidka Wadnuhu kala qeybiyo. Muqdishada galbeedka ka jirto jidka Wadnaha waxaa ka jirto nolol caadi ah oo u dhow noloshii aan Xamar ugu imid, welina derisnimo ayaa ku dambeyso. Muqdishada laamiga Wadnaha bari ka xigtana waxaa taalla nolol dhalanteed ah oo aan derisnimo laheyn.
Labada qof ee Muqdishada galbeed deriska ku ah waxay u badan tahay in ay is yaqaannaan oo ay deggan yihiin xaafaddii ay ku soo koreen iyo guryihii ay ku dhasheen, waxayna wadaagaan wax badan iyo xusuuso ay ka sheekeystaan. Halka deriska guriga ama appartmentga kirada ah ka deggan Muqdishada bari aysan waxba wadaagin, isku meelna aysan ku soo korin oo ay qaarkood hadda Xamar ugu horreyso, duruufta amni ee jirtana aysan u ogolaaneyn in ay is aaminaan oo si furan u sheekeystaan.
Si guud derisnimimada Xamar nafta ayaa ka sii baxeysa. Hadda derisku war badan iskama hayo, oo waxaa macquul ah in aad Facebook ka ogaato tacsida qof ku dhintay guriga kugu dheggan. Deriska qaarna ismaba yaqaanno oo waxaa macquul ah in aad maanta kulantaan qof aadan weligaa arkin oo aad sanado deris tihiin. Tiknoolajiyadduna wax badan ayay ku ciyaartay oo moobeellada iyo internet-ku waxay kala fogeeyeen qoyskii guriga wada joogay iyo saaxiibbadii miiska wada fadhiyay. Derisnimada Muqdisho waa sii nafbaxeysa ee hala dabaqabto.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.