Hadalka Yuusuf Garaad waxay ii yeelshay dareen gaar ah, waayo waa Agaasime ka faalloonaya shakhsiyadda iyo anshaxa shaqo ee uu ku bartay nin dhalinyaro ah oo uu xilli adag madax u soo noqday.
Muqdisho oo furin dagaal ah oo marna hoggaamiye-kooxeedyadii u kalaxiran, marna ay ku soo duuleen ciidankii Itoobiya ee ay ka socdaan dagaallo u dhexeeya Itoobiyaankii iyo Muqaawadii ayuu Mucallimuu ka soo shaqeeyay. Halka ay dadka kale kala cararayeen markii dagaal dhaco, isaga shaqadiisu waxay aheyd in uu war ka keeno furimaha dagaalka, oo uu dhegeystayaasha uga warbixiyo dagaalkii dhacay, khasaarihii ka dhashay iyo in uu wareysto kuwa dagaalka hurinaya.
Xilli aysan Baraha Bulshadu jirin oo BBC tahay isha koobaad ee wararka laga qaaato ayuu Mucallimuu ahaa qofka BBC Muqdisho soo warramo, ee dhegeystayaasha sawir ka siiya xaalka Xamar. Soomaali kaliyana ma dhegeysan jirin oo wuxuu Yuusuf Garaad sheegay in uu Macallimuu u warrami jiray barnaamijyada Focus on Africa, Newsday iyo Newshour. Iyo in warbixinnada uu Muqdisho ka diro loo tarjumi jiray dhawr iyo afartan luqadood, si looga baahiyo laamaha kale ee BBC.
Yuusuf Garaad wuxuu ka sheekeeyay dhacdo sawir ka bixineysa dhiirranaantii Mucallimuu iyo duruufihii uu ku shaqeynayay. Taliyihii Nabadsugidda ayaa Muqdisho ku xiray Mucallimuu, waxaana laga qaaday qalabkii uu ku shaqeynayayay. Sida Yuusf Garaad sheegay, markii la sii deynayay ayay u yeereen Madaxweynaha iyo Taliyaha Nabadsugidda oo isla fadhiya. Madaxweynaha ayaa Mucallimuuu ka raalligeliyay xariggii lagula kacay, fasax ayaa tahay ee shaqadaada wado ayuuna ku yiri.
Macallimuu wuxuu Madaxweynihii ugu jawaabay ‘Haddii aan xor u ahay in aan shaqadeyda wato, waxaan rabaa in aan ninkaan ku ag fadhiya ka wareysto sababtii uu igu xiray.’ Waa ninkii xiray ee xabisga dhigay, qalabkana ka qaatay. Markii uu xabsiga ka soo baxay ayuu i soo wacay, wuxuuna igu yiri "Meeshii waan ka soo baxay, waxaana wareysi kaaga sidaa arrintii la igu xiray."
Waxaan marqaati ka ahay in uu wariye Macallimuu warbixin naga siin jiray xaalado adag iyo goobo halis ah oo ay adkeyd in war laga keeno, dadkuna ay wada sugayeen in ay wax ka ogaadaan. Malaheygana, waagaas uu halganka adag ku jiray ee uu furimaha dagaallada ka soo dhex lahaa ‘Maxamed Ibraahim Mucallimuu, Biibiisii, Muqdisho’ uma sawirneyn in xaflad uu isagu isku sharraxayo uu Agaasimihiisu uga sheekeyn doono anshixiisa shaqo, qiimeynta uu ku sameyn doonana ay ku xirnaan doonto sida uu maanta shaqadiisa uga soo dhalaalo.
Wiilka curashadiisa fool ayaa ka horreyso, shakhsiyaddaada maanta iyo halganka aad hadda ku jirto waxay qaabeyn doonaan qofka aad berri noqon doontid iyo waxa ay kugu soo xusuusan doonaan dadka aad maanta la shaqeyso ama la macaamisho, ee shaqada aad qabaneyso u gudo sida fiican, dadkana una dhaqan sida ugu wanaagsan, kuna dadaal in aad meesha aad maanta joogto uga tagto raad fiican oo berri lagugu soo xusuusto, hadduu Alle idmo.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.