Skip to main content

Posts

Showing posts from December, 2021

Ma maqli jirtay Ciyaal Faa Cali?

Ma maqli jirtay Ciyaal Faa Cali? Waa Xuseen Sabriye oo la sawiran Cabduqaadir Salxa oo ay dhashay maamo Faadumo Cali Gacal oo ku magacdheer Maamo Faa Cali. Cabduqaadir oo aan maanta ku kulannay Madasha Aragtiwadaagga ee machadka Heritage oo ka dhacaysa Guriga Ummadda ee magaalada Jabuuti ayaa iiga sheekeeyay sida uu ku baxay magaca Ciyaal Faa Cali. Wuxuu yiri: “Waxaan ku dhashay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. Hooyadey Faay Cali Gacal waxay rooti ku iibin jirtay iridka iskuulkii Dugsi sare Banaadir. Aabbaheyna wuxuu xaafaddaas ka ahaa macallin dugsi. Sanadkii 1978dii ayuu Macallin Nuur naga iibsaday gurigii aan Siigaale ku laheyn, si Mowlaca loogu ballaariyo. Lacagtii aan ka helnay booskaas waxaan boos uga iibsannay, ugana dhisannay xaafadda Madiina oo markaas cusbeyd. Intii ka soo hartayna dukaan ayay hooyo xaafadda uga furatay. Dukaankii waa kalakacay, wuxuuna yeeshay gaari xaajiyad khamsiin ah oo suuqa looga soo adeego. Hooyo waxay sidoo kale xaafadda ka furtay biibito, labadaan...

Taageerannimadu yeysan ku indhatirin

Waxaan daawaday wareysi kooban oo telefishanka Asal24 uu shalay garoonka Stadium Muqdisho uga qaaday Cabdullaahi Cabdifitaax oo taageere u ahaa degmada Wardhiigley oo 3-1 uga badisay Gubadley.  Cabdullaahi Yare wuxuu yiri “Maanta dareenkeygu aad ayuu u kacsan yahay. Wartanabadda intaan iyo ka sii badanba waan u rajaynayaa. Laakiin maanta guusha ay gaartay guul ma aha. Oo banooni qababac iyo qajajac ah ayay dheyeleysay. Macallinka iyo ciyaartoyda Wartanabadda waxaan u rajaynayaa in ay wax fiican soo sameeyaan.” Waxaan ka helay sida aysan taageerannimadu indhaha u tirin Cabdullaahi, oo isagoo taageersan Wardhiigley uu haddana qaladkooda u qiray, uguna dhaliilay. Macallinka iyo ciyaartiydana ugu baaqay in ay dhaqankaas wax ka bedelaan. Cabdullaahi wuxuu noo dhigay cashir dahabi ah oo aan baahi badan u qabno, ayna bulshadeennu ka arradan tahay. Aan ku tusaaleeyo dadkii afartii sano ee la soo dhaafay sax iyo qaladka ku taageeray kooxda Nabad iyo Nolol, ee ugu sacabtumayay dembiyadii ay ...

Halgan Hooyo

Waa goor aroor ah. Daqiiqado ka hor ayaan salaadda Subax ka soo baxnay. Waxaan bannaanka guriga ka maqlayaa dhawaq aanan waayahaan maqlin, oo aan malaynayo in uu garanayo qof kasta oo Muqdisho ku soo noolaaday. Bannaanka ayaan u baxay. Waa labo hooyo oo isla socoto oo iibinaya beer iyo killi ari oo fareesh ah. Midba mar ayay naadinaysaa, oo dhahaysaa: beer ari, killi ari. Beer ari, killi ari. Beer ari, killi ari. Tarmuuska barafka oo beerka iyo killiyaha ku sitaan ayay la liicayaan. Way kaltamayaan oo markii midkood ay guri u adeegto, tan kale ayaa ka iibinaysa guriga xiga. Waaba labo qof ee may kala qaraabtaan oo labo jid kala maraan si ay macaamiil kala duwan u helaan ayaan iswaydiiyay. Waqtiga iyo khatarta ay kalinnimo ku wajihi karaan ayaase ii jawaabay. Waayo waa aroor, qorraxduna wali sooma bixin, jidadka xaafadduna waa cidlo oo waxay isula socdaan in ay is wehshadaan ayaan is iri. Waa hooyooyin, balse hadda waxay hayaan shaqadii aabbennimo ee aheyd in ay soo shaqeeyaan quutulyoo...