Skip to main content

Taageerannimadu yeysan ku indhatirin

Waxaan daawaday wareysi kooban oo telefishanka Asal24 uu shalay garoonka Stadium Muqdisho uga qaaday Cabdullaahi Cabdifitaax oo taageere u ahaa degmada Wardhiigley oo 3-1 uga badisay Gubadley. 

Cabdullaahi Yare wuxuu yiri “Maanta dareenkeygu aad ayuu u kacsan yahay. Wartanabadda intaan iyo ka sii badanba waan u rajaynayaa. Laakiin maanta guusha ay gaartay guul ma aha. Oo banooni qababac iyo qajajac ah ayay dheyeleysay. Macallinka iyo ciyaartoyda Wartanabadda waxaan u rajaynayaa in ay wax fiican soo sameeyaan.”

Waxaan ka helay sida aysan taageerannimadu indhaha u tirin Cabdullaahi, oo isagoo taageersan Wardhiigley uu haddana qaladkooda u qiray, uguna dhaliilay. Macallinka iyo ciyaartiydana ugu baaqay in ay dhaqankaas wax ka bedelaan.

Cabdullaahi wuxuu noo dhigay cashir dahabi ah oo aan baahi badan u qabno, ayna bulshadeennu ka arradan tahay. Aan ku tusaaleeyo dadkii afartii sano ee la soo dhaafay sax iyo qaladka ku taageeray kooxda Nabad iyo Nolol, ee ugu sacabtumayay dembiyadii ay dalka ka gaysteen. Sida dhiibistii Qalbidhagax, weerarkii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, hooyooyinkii laamiyada ku oynayay ee carruurtooda ku maqan tahay Eritrea, sidii loo maareeyay kiiskii Ikraan Tahliil, boobkii doorashooyinka ee ay ka sameeyeen maamul-goboleedyada iyo boobka doorasho ee ay maanta dalka ka wadaan.

Taageerada iyo jaceylka aad koox ama qof gaar ah u qabto ma aha in ay kaa indhatiraan ceebahooda, ee waa in adigoo taageersan aad sidii Cabdullaahi dhaliili karo, fartana ku fiiqi kartaa qaladka kuu muuqdo, si loo arko, loona saxo.

Garaadka iyo garashada Eebbe ha u siyaadiyo.



Comments

  1. Maasha alah waxaad moodaa aniga inaad igula hadlayso qoraalka NN si indha la'aana dhalinyarada u taageerta waanka mid ahaa lkn hada anaa iskay iskaga dhaafay arinkooda markaan anoo weligay xamar tagin dareemay hagardaamada dawladu leedahay aysana ahayn inaan cidkale ku bedeshay taageeranimadii NN markaad xoogaa kortaba hadaadan caqliga ka Karin ee aad jismiga keliya ka korto taasi koritaan maahane waa muuqaal ahaan inaad u harag weynaato alx banii aadam baa nahay waa khaldami karnaa lkn in wax walb ay Naga indha tiraan taageeraha aan waxaas u hayno waakugu raacsanahay wlaal aad baa u mahadsan tahay siyaasada iyo sirdoonka aad Baan u daneeyaa lkn labaduba way is bedelaan marwalba

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...