Skip to main content

Ma maqli jirtay Ciyaal Faa Cali?

Ma maqli jirtay Ciyaal Faa Cali? Waa Xuseen Sabriye oo la sawiran Cabduqaadir Salxa oo ay dhashay maamo Faadumo Cali Gacal oo ku magacdheer Maamo Faa Cali. Cabduqaadir oo aan maanta ku kulannay Madasha Aragtiwadaagga ee machadka Heritage oo ka dhacaysa Guriga Ummadda ee magaalada Jabuuti ayaa iiga sheekeeyay sida uu ku baxay magaca Ciyaal Faa Cali. Wuxuu yiri:

“Waxaan ku dhashay xaafadda Siigaale ee degmada Hodan. Hooyadey Faay Cali Gacal waxay rooti ku iibin jirtay iridka iskuulkii Dugsi sare Banaadir. Aabbaheyna wuxuu xaafaddaas ka ahaa macallin dugsi. Sanadkii 1978dii ayuu Macallin Nuur naga iibsaday gurigii aan Siigaale ku laheyn, si Mowlaca loogu ballaariyo.

Lacagtii aan ka helnay booskaas waxaan boos uga iibsannay, ugana dhisannay xaafadda Madiina oo markaas cusbeyd. Intii ka soo hartayna dukaan ayay hooyo xaafadda uga furatay. Dukaankii waa kalakacay, wuxuuna yeeshay gaari xaajiyad khamsiin ah oo suuqa looga soo adeego. Hooyo waxay sidoo kale xaafadda ka furtay biibito, labadaanyo iyo harqaan. 

Gurigeennu wuxuu barkulan u noqday ciyaalka xaafadda. Hooyo waxay dhaqaaleyn jirtay kuwa danyarta ah. Habeenkiina jardiinka guriga ayaan ku sheekeysan jirnay. Sababtaas ayayna ciyaalkii xaafaddu u qaateen magaca Ciyaal Faa Cali, oo haddii ay weero iyo dagaal gelayaan, waxay ku gelayeen magaca Ciyaal Faa Cali. 

Waxay noqdeen ciyaal isku xiran oo shiddo badan oo caan ka ah xaafadaha Muqdisho. Fowdadoodun waxay gaartay heer ay dowladdu soo farageliso, oo ay xirxirto. Aniga ilaa 6 jeer ayaa guriga la iga xiray. Hooyadey waa dhibsan jirtay in magaceeda dhib lagu soo xusuusto, oo ciyaal magaceeda wato ay dadka dhibaan, balse wax badan kama aysan beddeli karin oo ciyaalka xaafadda ayaa magacaas qaatay. Hadda hooyadey Faay Cali iyadoo waayeel ah oo caafimaad qabto ayay ku nooshahay xaafadda Madiina.”



Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Safarkii aan ku tegay caalamka Twitterka

Bishii November ee 2010kii ayaan Facebook ku soo biiray, si fudud ayaana ula qabsaday, waayo dadka aan ugu imid waxay ahaayeen Soomaali af Soomaali ku hadlaysa. Saddex bilood ka dib ayaan Twitter aaday bishii February ee 2011, waxaana igu adkaatay in aan la qabsado dhaqankii ka jiray, waayo Soomaalida iyo af Soomaaliga ayaa ku yaraa dadkii aan ugu tegay. Bishii January ee sanadkaan ayaan mar kale Twitter ku laabtay, ciwaankeygii hore ayaan dib u furtay, dad Soomaali iyo ajaanib ah oo ay ii fududaatay in aan la jaanqaado ayaana ugu tegay. Twitter waa magaalo deggan oo ay naftu ku raaxeysaneyno qoraalladeeda kooban, kala duwan, ee waaqiciga ah, ayna uga nasaneyso buuqa Facebook ka jira iyo dhaqanka liita ee ah in hal mowduuc oo aan naf laheyn lagu wada yaaco. Erayada uu qofku Twitterka ku soo qori karo oo ku xadidan 280 xaraf iyo qoraalka oo uusan waxba ka bedeli karin haddii uu daabacdo ayaa qofka ku qasbaya in uu farriintiisa ka fiirsado in uusan soo dhigin, mana tiri karo faall...