Waa goor aroor ah. Daqiiqado ka hor ayaan salaadda Subax ka soo baxnay. Waxaan bannaanka guriga ka maqlayaa dhawaq aanan waayahaan maqlin, oo aan malaynayo in uu garanayo qof kasta oo Muqdisho ku soo noolaaday. Bannaanka ayaan u baxay. Waa labo hooyo oo isla socoto oo iibinaya beer iyo killi ari oo fareesh ah. Midba mar ayay naadinaysaa, oo dhahaysaa: beer ari, killi ari. Beer ari, killi ari. Beer ari, killi ari.
Tarmuuska barafka oo beerka iyo killiyaha ku sitaan ayay la liicayaan. Way kaltamayaan oo markii midkood ay guri u adeegto, tan kale ayaa ka iibinaysa guriga xiga. Waaba labo qof ee may kala qaraabtaan oo labo jid kala maraan si ay macaamiil kala duwan u helaan ayaan iswaydiiyay. Waqtiga iyo khatarta ay kalinnimo ku wajihi karaan ayaase ii jawaabay. Waayo waa aroor, qorraxduna wali sooma bixin, jidadka xaafadduna waa cidlo oo waxay isula socdaan in ay is wehshadaan ayaan is iri.
Waa hooyooyin, balse hadda waxay hayaan shaqadii aabbennimo ee aheyd in ay soo shaqeeyaan quutulyoomka qoyska. Inta ogaalkayga ah waxay beerkaas ka soo qaadaan xoolaqalka Dangag ee shirkadda Someat oo ku dhow Qubuuraha Barakaat ee Waqooyiga Muqdisho. Waxayna hadda wareejinayaan xaafaddeenna oo ku taalla cirifka koofureed ee magaalada.
Hooyooyinkaan waxaa culeys ugu filan masuuliyadda hooyannimo, mana mudna in ay ugu darsoonto masuuliyaddii aabbannimo, ee tolow aaween raggii shaqadaas lahaa ayaan is waydiiyay. Waxaanse is tusay in jiraan niman badan oo kaalintoodii gabay iyo in ay rag u badnaayeen dadkii ku dhintay ama ku naafoobay dagaalladii dalka ka dhacay, sababtaasna ay hooyooyin badan ku qasabtay in ay hooyo iyo aabbe isku noqaan. Cidna uma dirin ee iyaga ayaa isxilqaanay. Ma dooran ee way ku qasban yihiin, mana diidi karaan oo damiirkooda ayaa diraya.
Malahayga; duruuf, halgan iyo nafhurnimo aan kaas ka dhib yareyn ayay hooyo kasta carruurteeda ku soo korisay. Eebbe Janno ha ugu abaalgudo.
Aaamiin wll
ReplyDelete