Skip to main content

Maalmaha Qoyska Q 2-aad

Qacniye oo iridka kasii baxaya iyo Falis oo ugu Duceyneysa inuu soo Nabad-Noqdo ayay noo mareysay.
Sida ka muuqatay Shekadodana waxay isla garteen inay Qaab Nololedkoda wax ka bedelaan.
Habeen hore, Cishaha kadib Daashka hore ayay Labo Kursi dhigteen, Tarmuus Shaah, Garaafo Cabitaan ah iyo Baaquli Daango ah ayaa dhexdooda yaallay, Qosol iyo Wayrax ay keentay Farxad aan looga baran ayaa ka baxaya.

Mar ay Saacaddu xilli dambe tahay, Shanqartuna yaraatay waxa Qosolkooda kusoo kacday Maamo Ashkiro(Falis Hooyaded) oo Guriga wax ka degan, Karbuuno ay wadatay ayay ku shidan, iyadoon hadlin oo Farajaceysa ayay Qolkeeda ku laabatay. Kolley Qanciye oo Gabadhada ka qoslinaya ma arki jirine caawa muxuu ku aqriyay, Tolow ma sixraday ayay is weydiisay?
Markuu waagu beryay ayay Falis Jikada uga yeertay, waxay ka waydiisay waxa kusoo kordhay noloshoda.

Falis waxay Hooyaded u sheegtay inay ka reysatay Noloshii hore ee Qarfadka ahed ayna hadda heshay dhadhanka saxda ah ee Farxadda Qoyska ayna guranayso Miraha Jaceylka.
Maamo Ashkiro inta si xun u fiirisay ayay tiri: Jaceeyl ku teh, Naa ma haddaad ii keentay hadalkii Ciyaal Siiyaha?
Naayaa Aabahaa 50-Sano aan isqabnay weligay 30-Daqiiqo ma sheekeysan.
Naa Qosolkiina uma begine isbar-qabo oo Ninka iska jir. ku tasho hadduu Jaabkiisa ka arko inuu kula guursanayo, Naa Shilin yuusan Shilin kale u qaban, ogoowna ishiisa laga arag ushiisaa lagu dilaa ayay ku tiri

Markey Qanciye Quraacda hoos dhigtay ayay ku taabatay hadalkii Maamada.
Wuxuu u sheegay in Maamo Ashkiro saxantahay lakin fahamka ay Guurka iyo Farxaddiisa ka heysato uu yahay kii Casrigeeda jiray oo aan la jaan-qaadi Karin Casrigaan. waxaysa isla garten iney muhiim tahay in Maamadu ku qanacdo Hab-Nololedkoda.
Shalay Galabkii markuu iridka kasoo Galay ayuu Maama Askkiro u dhiibay Bac Cosmetics ah, Dhar uu iyada usoo iibiyay iyo Bac-Madoow ay ku jirto Boqol Dollar uu soo sarifay, wuxuna u sheegay inuu Berito oo Jimco ah Qadmo Quraan ah iyada iyo Gabadheeda Lacagtan ku saari doono; sida muuqato Maamo Ashkiro waa la qeylo-tiray.
Sakaay, waxaa iigu dambeysay Maamo Ashkiro oo Gabadheda ku leh: Naayaa Ninkada uga fikir sidii Cunug aad dhashay, uga dambey sidii Aabahaa, uguna Naxariso sidii Hooyadaa ogoowna inaysan Dumarku wada heysan Qanciye oo kale, isaguna Qolkiisa ayuu ka dhex lahaa Soomaaliya ha Noolaato.

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...