Caraweelo oo belo ka talisay, Falis oo Kacsan iyo Qanciye oo Guriga kusii socdo ayay noo mareysay.
Falis oo Qolka Fadhiga ku jirta oo Dhabanada heysata ayuu u galay. Dareen Murugo xambaarsan oo uusan uga baran ayuu ku arkay.

Bac Khudaar ah uu waday ayuu istaagga ka tuuray, intuu Horteeda fariistay ayuu Labada dhaban ka shumiyay, Xabibty maxaa ku helay, uma qalantid inaad Murugooto. Qalbigeyga yar iyo Indhaheyguna ma xamili karaan inay arkaan Falis oo ilmeynaysa ee macanto maxaa ku helay ayuu ku yiri.
Deetana Cod Murugadu dhinac ka taabatay ayuu Meerisyadan ugu qaaday:
Dawadii Naftaydaay * Dadka taan ka doortaay
Dumar haygu noqonine * Waxaan kaa dareemayo
Waxaad damacday maahee * Miyaa laygu kaa diray?!

Inta ilmadii ka qubaneysay iska tirtay ayay u sheegtay waxa dareenkeda bedelay.
Si aan ka gambasho laheyn ayuu ugu jawaabay, wuxu u shegay inay Shaqadiisa tahay Qancinta Macaamiisha iyo soo dhoweyntoodu, wuxuu ka dhaadhiciyay siduu Macaamiilkiisa u Qancin karo isagoon dareen Damac u muujin. Wuxuu u sheegay in Farxadda iyo Dhoolaceyntu ay astaan u noqdeen tan iyo Maalinkuu Falis la aqal-galay.

Runtii daqiiqadna kuma fikirin inad igu tuhmi karto Naag kale, Abayo waxan aamisanaa in Kalsoonidenu dhaafsantahay halka aad ka fikireyso.
Xaqiiqatan waxad tahay sirta ka dambeysa Farxaddeyda, markan iridka gurigaaga soo galo waxan darema neecaaw farxaded, aragtidadana waxan ku halmaamaa Daal kaste oo Shaqada igasoo raacay. Abayo ma fahmi karo sida aad ku aamini karto inuu Qanciye qof kale Waqti u hayo, oo sideen u damcayaa Naag kale, ma Falis ayaan god kusoo ogaaday ayuu is weydiiyay.

Erayadaasi saameeyen Mug leh ayay ku yeeshen Qalbiga Falis, inta is-heyn waysay ayay Qanciye isku duubtay, Mahadcelin iyo Raali-gelin ayay kala dul dhacday, Xaqiiqatan wan kugu kalsoonahay Maseerna Dumar ayan u ahay, waana ka xumahay inan dood ku geliyo adigoo weli Dharkii Shaqada ku taagan ee iga raali noqo ayay ku tiri.
Maamo Ashkiro oo Daashka hore ku Tasbiixsaneysay aya iridka soo garaacday, Naa heedhe Qanciye wuu joogaa Cashana Dab kuuma saarna ee caawa see rabta ayay ku tiri.
Alla waa run, Abowe sorry Galabta siduu Madaxu ii kacsanaalee, xitaa Dab ma aanan shidin, lakin hadda ayan kala tuurayaa ayay ku tiri.
Xabibty kuumasoo guursanin inaad Cunta-Kariye ii noqoto, Caawana Casho anigaa Banaanka noogasoo iibinaya ee Nabad iyo Nolol Xabibty ayuu ku yiri.

Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.