Skip to main content

Maalmaha Qoyska Q 5-aad

Qacniye oo ku guuleystay inuu damiyo dabkii Carowelo shiday ayay noo mareysay.
Jimcihii lasoo dhaafay Qanciye oo maqan waxaa Guriga timid Maamo Malyuun oo ah Faslis Eedadeed, inta Sariirta Qanicye Salka saaratay oo Qolka kor iyo Hoos ka fiirisay ayay Falis ku tiri: Hadde Sanad waa lagu qabaahe Lacag ma aruursatay?
Eedo Guriga Hooyadey kamasoo shaqo-tegin ee waa la igasoo guursaday, ee see Lacag ku aruursanaayay ayay Falis ku tiri.
Caku Doqonimadaada, Naa anigu Sagaal nin oo aan soo guursaday mid aanan Kuus Lacag ah kala harin kuma jiro ee Ninka ku daneyso ogoowna kula guursan doono haddey Lacag yar u aruurto.
Naa Shilin yuusan Shilin kale u qaban oo ku fur Munaasado aad Lacag uga qaadi karto oo ka faa’iideyso Jaaniska aad Maanta heysato, haddaadan Taladeyda qaadanna waxan kula hadlaa Maalinka uu Qanciye Naag kale kula guursado.
Eeddo Mahadsanid, Maalmahan Shaqo ayan raadinaayay, waxaadsa i bartay si fudud oo Lacag ku sameyn karo anigoo Gurigeyga jooga. Thanks, kuwa waayo Eeddo ayay ku tiri.
Galabkii Qanciye oo Guriga soo gelayo waxay iridka ku kulmeen Maamo Malyuun oo sii bexeysa, isagoon shareysan ayay iridka isku marxabeeyeen lakin markey Maamo Ashkiro dib uga sheegtay inay tahay Habar Harjad ah oo ay soo fureen Sagaal Nin soona kala dirtay dhowr qoys ayuu suaalo badan isweydiiyay.
Subixii Sabtida Falis waxay Qanciye u sheegtay inay rabto inay Ayuuto la gasho Eedayaasheed ayna u baahantahay $50 Bil Kaste, isna soo duceey waa La kheyrayaahe ayuu ku yiri.
Isniintii waxay u sheegtay inay Maalmahan Koror dareemeyso(UUR), ayna u baahantahay $70 oo ay iskusoo baarto, isagoo Faraxsan ayuu $100 EVC-ga ugu riday.
Talaaladii waxay sheegtay inuu Dhimtay Cawralo oo ay deris ahayen Caruurnimadedii ayna u baahantahay $40 oo ay Tacsidaas ku aaddo; Haben hore waxay ka qaaday $20 oo ay sheegtay in ku dareyso Casho Sharaf loo sameynayo Ciyaartoyda Maamul-Goboledka ay kasoo jeeddo, Xalayna waxay u sheegtay inay rabto in Beri oo Jimco ah Booqato Guriga Walaalked, ayna rabto Lacag ay Caruurta ugu adeegto.
Maalmahan sxbkey Qanciye waxaa ku socda Dhiig-Bax Dhaqaale, waxayna ka daahisaa Quraacda si uu Jaabkiisa uga cunteyo, wuxuu ii sheegay in Lacagta ay Falis Todobaadkan ka qaaday ay ka badantahay Biilka Saddex Bilood oo lasoo dhaafay, wuxuna ii sheegay inuusan Falis sii qabi karin haddey sidaan kusii socoto.

Comments

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...