Falis iyo Qanciye oo hadalo kulul Taleefanka isku dhaafsaday, Qanciye oonan soo jiifaneynin iyo Falis iyo Carawelo oo Guriga jooga ayay noo mareysay.
Carawelo ayaa Falis uga sheekeysay Dhagarta Ragga, waxayna xusuusisay codkii ay Bil kahor Qanciye kasoo duubtay, waxayna u sheegtay inay aaminsantahay inuu Qanciye yahay Shabeel-Naagood aan Caawa Shaqo jirin balse aaday Naago kale uu si qarsoodi ah u qabo, waxayna kula talisay inay Feysbuug ka sameysato Ciwaan cusub kana Shukaansato Qanciye iyadoo iska dhigeyso Gabar Calaf-Doon ah, si ay u tijaabiso inuu Dumarka kale u jilcanyahay iyo inkale.
Kama diidine waxay Feysbuug ku sameysatay Magaca [Shankaroon Guuleed] oo ah Gabar Shidan oo Qanciye deris ahan jireen, isla Habeenkiiba waxaa Feysbuug ku dhex-maray isbarasho kooban, Maalinkii xigtayna waxay u sheegtay inay tahay Shankaroon Guuleed oo rabta inay Mustaqbal la sameyso maadaama ay ku taqaanay Diin iyo Dabecad fiican balse Qanciye ayaa Qoraaladeeda ka fahmay inay tahay Falis oo Magaca Shankaroon ku qaraabaneyso.
Qanciye oo iska dhigaya Nin aan fahamsaneyn ayaa ku yiri: “Shankaroon runtii waxad tahay qof Wanaagsan oo u qalanto inan Mustaqbal la sameeyo balse hadda Guur umasoo jeedo oo waxaan qabaa Xaas fiican oo aan jeclahay lakin waxaa Maalmahan naga dhex-taagan Khilaaf ay abuureen dad soo dumiyay Guryahooda oo rabo inay keedana dumiyaan, waxana laga yaabaa inan ku kala tagno Khilaafkaan, marka waxan sugayaa muddo Asbuuc ah, haddii xaalkeda wax iska bedeli waayaan waan kulasoo xiriirayaa ee hal Asbuuc kaliya iga war sug adigoo Mahadsan”
Falis oo Waagu ku beryay oo aamisan inuu Qanciye Shankaroon u maleeyo ayaa Caqli Fayoow ku fiirisay Talooyinkii Qaribnaa ee Carawelo & Maamo Malyuun ka qaadan jirtay, waxayna isu fiirisay Nolosha Garoobnimada oo ay ku jiraan iyo Nolosha Dahabiga ah oo ay heysato, waxaa u caddaatay inuu Qanciye Daacad yahay balse iyadu Horor tahay, waxayna go’aansatay inay wax ka bedesho Hab-Dhaqankeda ayna Qanciye u abuurto Jawi ku dhisan Farxad iyo Kalgaceyl.
Labadii Maalmood ee lasoo dhaafay Falis waxay lasoo baxday dabeecado ay Qanciye isku jecleysiineyso, waxayna ka raali-gelisay qalad waliba uu ka tabanayo waxayna ka codsatay inuu iska halmaamo wixii hore ayna furaan Nolol oo ay ku Magacaawday 'Soomaaliyada Cusub'.
Sxbkey Qanciye inta Farxad isla heyn-waayay, hoosna ka qoslay ayu ku yiri: Yaa Salaam, Nabad iyo Nolol Xabibty.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.