Falis waa Xaaska Qanciye oo ka shaqeeyo Dukaan Cosmetics-ka lagu iibiyo.
Qanciye oo daallan wuxuu Shaqada kasoo baxaa Galabkii. Habeenkiina horay ayuu ka jiiftaa markuu Salaadda Cishe soo tukado, sida ka muuqata Jadwalkiisa iyo Daalka hayo Qanciye iyo Falis isuma helaan Waqti badan oo ay ku sheekeeystaan.

Markuu Qanciye Hurdo isu duuduubo ayay furataa Feysbuugga oo ay marmar ku aragto Sawiro ay saaxiibadeed lasoo galeen Nimankooda, markaasey Qoomamo iyo Shalaay ka gashaa Dooqeeda iyo halka uu Calafku dhigay maadaama aysan helin saaxiib u Ciyaarsiiya sidii Caruurta, Cadowgeedana ka jebiya.
Xalayto oo ay ugu darneed, Falis waxay Feysbuugga ku aragtay Sawirka Fannaan meel Fagaaro ah ku Shuminaya Xaaskiisa. Sawirkaasi wuxu sii huriyay dabkii Falis gudaha uga shidnaa, waxay iska dhaadhicisay inay Noloshaas mudneed waxayna Feysbuug ka baxday iyadoo Niyad-Jabsan xalayna si fiican uma seexan.
Ifur iyo Farxad kuguma heysto waxay ahayen erayadii ugu horeyay ee Saakayto ku dhacay Dhegaha Qanciye markuu Salaadda Subax kasoo laabtay.
Qanciye oo ah Nin Naxariis iyo Dulqaad kulansaday si degan ayuu ula hadlay Xaaskiisa, wuxuu u qiray inuu Jecelyahay, ku Kalsoonyahay, uusanna Naag kale ku doorsaneynin lakin aysan muhiim aheyn inuu Fagaaraha iyo Feysbuugga dadka uga sheego heerka uu gaarsanyahay Jaceylkoodu.
Wuxuu dareensiiyay in erayada iyo ficilada Romantic-ga ah oo ay ka daawato Filimada aysan aheyn Nolosha saxda ah ee Jiliyaashu ku heestaan Guryahooda.

Sakaay, waxaa iigu dambeysay Qanciye oo kasii baxayo iridka Gurigiisa iyo Falis oo leh: Wallahi Dumarku ma wada heystaan adiga oo kale ee Alle ha iisoo kaa Nabad-Celiyo Abowe, isaguna leeyahay Aamiin. Nabad iyo Nolol Xabibty.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.