Skip to main content

Posts

Showing posts from April, 2020

Muqdisho yaa leh?

Tani waa Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Waa magaalo la wada leeyahay, oo la kala leeyahay. In ay tahay caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wada leeyahay, in ay laxaw iyo dareen gaar ah u leedahay dad dhiiggooda, dheecaankooda iyo dhaqaalahooda ku shubay ayaana lagu kala leeyahay. Muqdisho waxaa leh qof kaste oo ay dantu ku qasabtay in uu ku noolaado iyadoo holceysa oo ay ka socdaan dagaallasokeeye, magaalada oo hoggaamiyakooxeedyo qabiil u kala xirxiran, iyo ciidankii Itoobiya oo xasuuqwadareed ka wada, mar kasta oo uu soo xusuusto madaafiicdii, duqeymihii iyo qaraxyadii joogtada ahaana uu qalbigu ololayo oo uu soo xusuusanayo ehel iyo asxaab badan oo uu jeclaa oo uga dhintay. Muqdisho waxaa leh dukaanlaha lacag uu wax ku daray oo ay dadka xaafaddu iska aruuriyeen lagu dhisay laamiga hortiisa mara, maammada miiska ku leh Xamarweyne ee canshuurta laga qaado aan waxba loogu qaban ee lagu biilo maamulgoboleedyada iyo hooyada caano ama shaah ay ilmaha ka korsato ku iibiso laamiga qarkiis...

Soonku wuxuu ka hortag u yahay kansarka, sokorta iyo cadaadiska-dhiigga

Cilmibaaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan oo ku takhasusay cilmiga Baayoolojiga Unugyada, waxna ka dhiga Machadka Cilmibaarista Halabuurka ee jaamacadda Tokyo ayuu ku ogaaday in markii qofku gaajoodo uu jirkiisu iska saarayo kolestaroolka, sokorta, dufanka, kaarbohaydraytiska iyo cusbooyinka dheeraadka ah ee ku keydsan unugyada jirka, taas oo keeneysa in uu jirku iska nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay iyo kuwa gaboobay. Haddii  aan unugyadaas jirka laga saarin waxay sababayaan kansar, gabow, asaasaq, sokor, cadaadiska-dhiigga iyo cudurrada wadnaha. Hawlgalka iscunidda jirka(Autophagy) oo ah in uu jirku iska saaro walxahaas dheeriga ah waxay bilaabaneysaa markii uu qofku shaqeeyo saacado xiriir ah oo uusan waxba cunin, uuna sidaas joogteeyo maalmo badan, si aysan unugyadii dhintay ama naafoobay mar kale fursad ugu helin in ay dib u soo noolaadaan. Cilmibaare Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa in uu qofku isgaajeysiiyo oo u...

Wiilka curashadiisa, fool ayaa ka horreyso

"Waxaan ahaa shaqaale nadaafadeed. Waligey carruurteyda uma sheegin waxa aan ka shaqeeyo, waayo ma rabin in ay niyadjabaan. Markay gabadheyda yar i weydiiso shaqadeyda, waxaan si quus ah ugu sheegi jiray in aan ka shaqeeyo farsamada gacanta. Galabkii marka aan shaqada ka rawaxayo, waan qubeysan jiray, si aysan carruurteydu iiga fahmin shaqadyda. Gabdhaheyga iskuul ayaan geeyay, si ay wax u bartaan, oo dadka sharaf iyo karaamo ugu dhex noolaadaan, waayo ma rabin in loo bahdilo  sida aniga oo kale. Waxaan keydiyay kun kasta oo i soo galay si aan gabdhaheyga wax ugu baro. Weligey ma iibsan shaati cusub, ee waxaan ugu gadi jiray buugaag ay wax ka bartaan. Curaddeyda ayaa iskuul soo dhameystay. Hal maalin ayaa ka dhiman maalinka ay xirmayso isdiiwaangelinta jaamacadda. Ma hayo lacag aan ku diiwaangeliyo. Maalintaas murugo iyo quus ayaan la shaqeyn kari waayey. Waxaan ag fariistay sanduuqa qashinka, illin ayaa iga da'eysa, se waxaan isku dayay in aan qariyo. Waa niyadjabsanah...

Habka loo burburiyo xadaaradaha bulshooyinka

Dr. Mahdi Elmandjra(1933-2014) oo ahaa dhaqaalayahan iyo qoraa ka faallooda arimaha bulshada ayaa qoray maqaalkaan uu ciwaan uga dhigay “Tiirarka Burburinta” oo uu uga hadlayo habka loo maro duminta xadaaradaha bulshooyinka. Qoraagu wuxuu yiri: S i aad u d umiso il b axnim o b ulsho uma baah id in aad u adeegsato h ubka n ukl iyeerka iyo sawaariikhda wax gumaadda . K aliya waxa ad u baahantay i n aad burburiso q oyska, t ayada w axbarashada iyo in aad meesha ka saarto d adka t usaalaha ah ee b ulshadaasi ku d ayato. Qoraaga oo sii sharraxaya waddooyinka loo maro hababkaan ayaa yiri: 1) Si aad u dumiso reerka, meesha ka saar kaalinta hooyadu ku leedahay barbaarinta ubadka. Si taasi kuugu suuragasho bulshadaas u sheeg in ay ragga iyo dumarku siman yihiin, oo ay muhiim tahay in ay hooyadu shaqeysato, si ay uga faanto in ay guriga joogto una dayacdo barbaarinta carruurteeda, ayna gurigaas uga soo baxaan carruur aan helin tarbiyo hooyo. 2) Si aad u burburiso waxbarashada,...

Masaajidda yaanan Coronavirus loogu soo gamban

Caalamku wuxuu maanta hardan kula jiraa Coronavirus. Dad ku dhow hal milyan iyo bar ayuu soo ritay. Faraxalo oo gurigaada joog ayay dhakhaatiirtu ku talinayaan. Caalamka badankii wuxuu xiray goob kasta oo ay bulshadu isugu timaado sida waxbarashada, garoommada, suuqyada, masaajidda, baararka iyo xeebaha. Inta la ogyahay Coronavirus wuxuu Soomaaliya ka soo ritay ilaa 8 qof oo midkood ka bogsaday. Si uusan cudurkaani u faafin waxay dowladdu joojisay safarrada, waxayna hakad gel isay waxbarashada. Waxaase muuqata in ujeedkii waxbarashada loo safaxay ee ahaa in guryaha la joogo uusan hirgelin oo ay dadkii dhooban yihiin goobaha ay bulshadu isugu timaado. Wacyigelin xooggan oo gurigaada joog ay sal u tahay ayaa bilaabatay. Dad wacyigelintaan ka faa'iideysanaya ayaa maanta ku talinaya in la xiro meelo ay markoodii horeba jeclaayeen in albaabbada la isugu dhufto. Dadkaas qaarkood waxay ku doodayaan in masaajidda la xiro, si uusan cudurku u faafin. Masaajiddu waxay ka mid yihiin goob...