Skip to main content

Masaajidda yaanan Coronavirus loogu soo gamban

Caalamku wuxuu maanta hardan kula jiraa Coronavirus. Dad ku dhow hal milyan iyo bar ayuu soo ritay. Faraxalo oo gurigaada joog ayay dhakhaatiirtu ku talinayaan. Caalamka badankii wuxuu xiray goob kasta oo ay bulshadu isugu timaado sida waxbarashada, garoommada, suuqyada, masaajidda, baararka iyo xeebaha.
Inta la ogyahay Coronavirus wuxuu Soomaaliya ka soo ritay ilaa 8 qof oo midkood ka bogsaday. Si uusan cudurkaani u faafin waxay dowladdu joojisay safarrada, waxayna hakad gelisay waxbarashada. Waxaase muuqata in ujeedkii waxbarashada loo safaxay ee ahaa in guryaha la joogo uusan hirgelin oo ay dadkii dhooban yihiin goobaha ay bulshadu isugu timaado.
Wacyigelin xooggan oo gurigaada joog ay sal u tahay ayaa bilaabatay. Dad wacyigelintaan ka faa'iideysanaya ayaa maanta ku talinaya in la xiro meelo ay markoodii horeba jeclaayeen in albaabbada la isugu dhufto. Dadkaas qaarkood waxay ku doodayaan in masaajidda la xiro, si uusan cudurku u faafin. Masaajiddu waxay ka mid yihiin goobaha ay bulshadu isugu timaado. Haddii ay helis badan jirto oo ay dadkaasi bulshada uga cabsanayaan qatarka cudurkaan, waxay aheed in ay wacyigelintaan daacad ka noqdaan oo ay ku baaqaan in sidoo kale la xiro goobaha kale ee ay bulshadu ku kalanto sida suuqyada, baararka, hoteellada, aroosyada, garoommada kubadda, jiimamka, xeebaha iyo goobaha lagu caweeyo. Balse in masaajidda si gaar ah loo beegsado, waxay muujineysaa in wacyigelintaas laga leeyahay ujeed kale, mana fahmi karo sababta masjidka ka joog loo dhihi karo qof maanta Bakaaro ka soo adeegtay, galabta jiim ku aalamiiteynaya, caawa Liido ku soo fiidsanaya, jimcahana aroos ka ballansan.
Dadka qaarkood waxay qabaan in masaajidda la xiro, loona beddelo xarumo caafimaad oo dadka cudurkaan qaba lagu karantiilo. Sida aan ognahay, tirada dadka uu Coronavirus soo ritay ma gaarsiisna heer masaajidda loo banneeyo. Dowladduna ma waayin goobo ay bukaannada ku daweyso. Balse haddii ay baahi timaado, sababta masaajidda lagu dooranayana ay tahay in yihiin goobo bulshada ka wada dhexeeya, waxaa sidoo kale jira iskuullo iyo jaamacado ay dowladu leedahay oo hadda fasax ku jira, oo masaajidda uga habboon, ugana diyaarsan in bukaan lagu dabiibo. Waaba haddii loo baahdo!
Waxaan soojeedinayaa in wacyigelintaan laga runsheego, oo laga digo goob kasta oo ay bulshadu isugu timaado, ee aan Coronavirus laga dhigan fursad iyo gabbaad masaajidda lagula dhiirrado, laguna colaadiyo; si loo xiro.

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...