Tani waa Muqdisho, caasimadda Soomaaliya. Waa magaalo la wada leeyahay, oo la kala leeyahay. In ay tahay caasimadda Soomaaliya ayaa lagu wada leeyahay, in ay laxaw iyo dareen gaar ah u leedahay dad dhiiggooda, dheecaankooda iyo dhaqaalahooda ku shubay ayaana lagu kala leeyahay.
Muqdisho waxaa leh qof kaste oo ay dantu ku qasabtay in uu ku noolaado iyadoo holceysa oo ay ka socdaan dagaallasokeeye, magaalada oo hoggaamiyakooxeedyo qabiil u kala xirxiran, iyo ciidankii Itoobiya oo xasuuqwadareed ka wada, mar kasta oo uu soo xusuusto madaafiicdii, duqeymihii iyo qaraxyadii joogtada ahaana uu qalbigu ololayo oo uu soo xusuusanayo ehel iyo asxaab badan oo uu jeclaa oo uga dhintay.
Muqdisho waxaa leh dukaanlaha lacag uu wax ku daray oo ay dadka xaafaddu iska aruuriyeen lagu dhisay laamiga hortiisa mara, maammada miiska ku leh Xamarweyne ee canshuurta laga qaado aan waxba loogu qaban ee lagu biilo maamulgoboleedyada iyo hooyada caano ama shaah ay ilmaha ka korsato ku iibiso laamiga qarkiisa ee maanta bandowgu ka saameeyay.
Muqdisho waxaa leh hooyada markii uu qarax dhaco waceysa wiilkeeda oo iskuul ku maqan, gabadheeda oo jaamacad aadday, odaygeeda oo shaqo u kallahay, iyo tobaneeyo ay walaal iyo waalid u tahay oo ay ku ogeed aagga qaraxa laga sheegay, iyo odayga aysan hurdo ka soo dheceyn habeenka uu maqlo in Bakaaraha dab ka kacay, ee isweydiinaya tolow meeqo qof oo ehel iyo asxaab ah ayaa berri laguu soo sheegi doonaa in ganacsigoodii uu xalay gubtay, iyo qof kaste oo uu qubuuraha Barakaat uga aasan yahay awoowgiis ama ayeeyadiis, saaxiib ay isku dugsi ahaayeen, mid ay isku jaamacad ahaayeen iyo hebel oo ay isku shaqo ahaayeen.
Muqdisho waxaa leh qoysaskii qaxii fooriyaha ka tegi waayay magaalada ee duleedkeeda degay, ee iyagoo qalbigu ololayo kor ka arkayay magaaladoodii oo holceysa, iyo aabbayaashii u soo shaqategi jiray Bakaaro oo maalin kasta la duqeynayo, ee subax kasta farjanno mari jiray, si ay u soo dhiciyaan nolosha carruurtooda iyo hooyo kasta oo ay ciidan ka xireen wiilkeeda oo guriga u jiifo, ee baad laga qaaday, si wiilkeeda loogu sii daayo, iyo carruur badan oo maanta agoon ah oo subixii uu aabbahood guriga uga tegay si uu quutulyowmkooda u soo dhiciyo, galabkiina loo soo sheegay in uu aabbahood duqeyn ama qarax dhacay ku geeriyooday.
Muqdisho waxaa leh qof kaste oo aan dooran in uu ku noolaado, balse ku qasbanaa ee u soo joogay iyada oo holceysa, kana tegi waayay, mana aha qabiil gaar ah. Haddii ay maqaam yeelaneysana waa arrin dadkaas u taalla. Qofkii dibadda ama magaalo kale oo ka xasiloon ku noolaa intii ay Muqdisho holceysay ee maanta yimid waa caasimaddiisii, waana dulmi in laga xigsado, isaguna in uu lahaanshiyaheeda maanta su'aal geliyo waa dembi iyo digasho.

Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.