Cilmibaaris uu sameeyay Dr. Yoshinori Ohsumi oo ah dhaqtar u dhashay dalka Japan oo ku takhasusay cilmiga Baayoolojiga Unugyada, waxna ka dhiga Machadka Cilmibaarista Halabuurka ee jaamacadda Tokyo ayuu ku ogaaday in markii qofku gaajoodo uu jirkiisu iska saarayo kolestaroolka, sokorta, dufanka, kaarbohaydraytiska iyo cusbooyinka dheeraadka ah ee ku keydsan unugyada jirka, taas oo keeneysa in uu jirku iska nadiifiyo unugyada dhintay, kuwa naafoobay iyo kuwa gaboobay. Haddii aan unugyadaas jirka laga saarin waxay sababayaan kansar, gabow, asaasaq, sokor, cadaadiska-dhiigga iyo cudurrada wadnaha.
Hawlgalka iscunidda jirka(Autophagy) oo ah in uu jirku iska saaro walxahaas dheeriga ah waxay bilaabaneysaa markii uu qofku shaqeeyo saacado xiriir ah oo uusan waxba cunin, uuna sidaas joogteeyo maalmo badan, si aysan unugyadii dhintay ama naafoobay mar kale fursad ugu helin in ay dib u soo noolaadaan.
Cilmibaare Dr. Yoshinori Ohsumi wuxuu ku talinayaa in uu qofku isgaajeysiiyo oo uusan wax cunin 8 ilaa 16 saacadood oo xiriir ah, labo ilaa saddex maalin todobaadkiiba, sidoo kalena uu qofku sidaas sameeyo hal bil sanad kasta.
Dr. Yoshinori wuxuu cilmibaaristaan ku muteystay shahaadada caalamiga ah ee Nobel Prize, dhanka caafimaadka. Aqoonta iyo ogaalka ay daaha ka rogeyso cilmibaaristaan ee Dr. Yoshinori lagu abaalmariyay 2016kii wuxuu islaamku na faray 1440 sano ka hor, oo tiirarka islaamka ayay ka mid tahay in uu qofku sanad kasta cunnada iyo cabitaanka ka soomo 30 maalmood oo xiriir ah. Nabi Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadaanee wuxuu muslimiinta u jideeyay in ay todobaad kasta ka soomaan labo maalmood (Isniin iyo khamiis).
Soonqaadku waa fursad sanadle ah oo ay addoomada Alle ku nadiifiyaan jirkooda iyo naftoodda. Waa jaanis ay dembiyadii ka dhacay uga qubeystaan, oo ay Alle uga muteystaan naxariis, dembi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn, ugana badbaadaan cudurro haya ama ku soo fool leh.
Soonqaad wanaagsan, saaxiib. Eebe soonkaan ha i nooga dhigo mid aan ka helno caafimaad, naxariis Rabbi, dembi-dhaaf iyo naar-ka-xoreyn. Maalmo nabdoon iyo habeenno xasilloon, Alle idankii.
![](https://www.nature.com/news/polopoly_fs/7.39584.1475501533!/image/AP_16277359370760_WEB.jpg_gen/derivatives/landscape_630/AP_16277359370760_WEB.jpg)
![The Nobel Prize on Twitter: "2016 Medicine Laureate Yoshinori ...](https://pbs.twimg.com/media/Ct1nX_rXEAA08hm.jpg)
Waa marka aan jeclaado diintayda
ReplyDelete