Skip to main content

Wiilka curashadiisa, fool ayaa ka horreyso

"Waxaan ahaa shaqaale nadaafadeed. Waligey carruurteyda uma sheegin waxa aan ka shaqeeyo, waayo ma rabin in ay niyadjabaan. Markay gabadheyda yar i weydiiso shaqadeyda, waxaan si quus ah ugu sheegi jiray in aan ka shaqeeyo farsamada gacanta. Galabkii marka aan shaqada ka rawaxayo, waan qubeysan jiray, si aysan carruurteydu iiga fahmin shaqadyda.
Gabdhaheyga iskuul ayaan geeyay, si ay wax u bartaan, oo dadka sharaf iyo karaamo ugu dhex noolaadaan, waayo ma rabin in loo bahdilo sida aniga oo kale. Waxaan keydiyay kun kasta oo i soo galay si aan gabdhaheyga wax ugu baro. Weligey ma iibsan shaati cusub, ee waxaan ugu gadi jiray buugaag ay wax ka bartaan.
Curaddeyda ayaa iskuul soo dhameystay. Hal maalin ayaa ka dhiman maalinka ay xirmayso isdiiwaangelinta jaamacadda. Ma hayo lacag aan ku diiwaangeliyo. Maalintaas murugo iyo quus ayaan la shaqeyn kari waayey. Waxaan ag fariistay sanduuqa qashinka, illin ayaa iga da'eysa, se waxaan isku dayay in aan qariyo. Waa niyadjabsanahay, waayo ma hayo wax aan caawa ugu jawaabo gabadheyda markii aan guriga ku laabto ee ay i waydiiso lacagtii ay berri isaga diiwaangelin laheed jaamacadda.
Waxaa halkii iigu yimid saaxiibadeydii shaqada. Qaar baa ogaa walwalka i haya. Dhinacyadeyda ayay soo fariisteen. Waxayna igu dhaheen: ha murugoonin, annaga ayaa ku garabtaagan, waxayna i siiyeen joornaatigii ay maalinkaas shaqeysteen oo ay iska soo aruuriyeen. Waan ka yara diiday, balse igama aqbalin, waxayna igu dhaheen: dhib ma laha, in aan maanta kaliya gaajoonno ayaan ka doorannay in ay curaddaadu berri jaamacad iska diiwaangeliso. Waan ka qaatay, waana uga mahadceliyay.
Maalinkaas ma marin musqushii aan ka sii qubeysan jiray inta aanan shaqada ka bixin, waxaana guriga tegay anigoo faraxsan oo ay iga muuqdaan daalkii iyo wasaqdii shaqada.
Nasiib wanaag, maanta curaddeydu waxay ku jirtaa sanadkii ugu dambeeyay jaamacadda. Way shaqeysa oo nolosha qoysku maanta iyada ayay ku tiirsan tahay, aniga shaqada way iga fariisisay, saddexda gabdhood ee kalena jaamacadad ayay noo dhigtaan, Alle mahaddii.
Marmarka qaar ayay curaddeydu gaarigeeda iigu qaaddaa shaqadeydii hore, waxaana la soo qadeynaa saaxiibbadeydii shaqada. Midkood ayaa maalin igu yiri: oo maxaad isu dhibtaan, oo qadadaan noogu keentaan? Gabadheyda ayaa ugu jawaabtay: Ma hilmaamin, abaalna waad idinkaga hayaa maalinkii aad darteey u gaajooteen si aan u gaaro heerka aan joogo!”
Alle mahaddii, maanta ma dareemayo in aanan faqiir ahayn, oo sidee ayaan saboolnimo u dareemaa aniga oo heysta gabdhaheygaan"
Idiris
Sheekada aabbe Idiris waxaa lagu daabacay bogga GMB Akash, oo aan ka soo tarjumay.

Comments

  1. every action thare are equal and opposite reaction

    ReplyDelete
  2. masha allah waa sheeko cajiibah waxeyna noo muujineysaa dadaal aabe iyo iscaawin saaxibtinimo

    ReplyDelete
  3. Cajiib weeyaan.
    Waxaasa run aha in ay rahay in qalin dahab ah lagu qoro xogaha ceeynkan oo kale ah.

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...