Skip to main content

Posts

Showing posts from June, 2020

Midabka Calanka Soomaalia!

Shukri Waddani waa gabar ay waddaniyad iyo daljaceyl qalbigeeda buuxiyeen, balse aysan intaas u wehlin aqoon badan oo ay Soomaaliya u leedahay. Bil kahor ayay sii qorsheysay sidii ay dareen faxadeed ugu u soo dhoweyn laheed todobaadka xurriyadda. Naashnaash ayay gurigeeda kula dhaqaaqday, waxaana qorshaha ugu jiray in ay bedesho jiifka iyo fadhiga guriga, oo ay ka dhigto midabka calanka Soomaaliya. Asbuucii hore ayay tagtay suuqa Cirtoogte, waxay la soo baxday calan moobeelk a ugu jiray, waxayna dalbatay in jiif iyo fadhi nuucaas ah loo sameeyo. Shalay ayay Cirtoogte tagtay, waxayna codsatay in alaabtii la tuso. Iyadoo alaabtii ku qanacday oo sawirro ka qaadaneysa ayuu meesha soo maray  Cabdirisaaq Xasan Jidhi  oo ay Shukri isku xaafad ahaan jireen. Salaan kadib, hambalyo maalinta xurriyaddda shanta Soomaaliyeed ayay ku tiri. Inta qoslay ayuu ku yiri: Shanta Soomaaliyeed waligood xurnimo ma qaadan, ee maanta oo kale(26ka Juun) waxaa xoroobay gobollada Waqooyi. Shukri int...

Halgan guuleystay!

Waa Xuseen Sabriye oo la sawiran Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan(Mayow). Tuulada Daarusalaam ee gobolka Shabeellada Hoose ayuu Mayow ku dhashay. Sanad-dugsiyeedkii 2004-2005 ayuu ka qalinjebiyay iskuulka Tadaamun ee magaalada Muqdisho. Nasiibxumo duruufta dhaqaale uma saamixin in uu waxbarashadiisa sii wato oo uu jaamacad dhigto. Aabbihiis Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa shaqaalihii nadaafadda ee shirkadda Nationlink ayay ciidankii Itoobiya ku dhex dileen shirkadda bishii Maarso ee 2008. Cabdiraxmaan Mayow oo ahaa curadka reerka ayaa la wareegay masuuliyaddii aabbenimo ee qoyska, wuxuuna galay booskii shaqada ee uu aabbihiis ka dhintay, si uu u dabbaro nolosha qoyskiisa, wuxuuna shaqadii nadaafadda ka billaabay isla xaruntii aabbihiis lagu dhex dilay. Gelinka hore ayuu shirkadda ka shaqeynayay, gelinka dambe oo uu shaqada fasax ka ahaana wuxuu barashada kumbiyuutarka ka billaabay machadkii SOCOMIN oo uu lix bilood uga bartay aasaaska kumbiyuutarka. Bil kadib markii uu SOCOMIN ka baxay ay...

U ceebqari, ha laguu ceebqariyee!

Goor habeen ah ayay iigu timid gurigeyga. Iridda ayay soo garaacday, waan ka furay, waxayna igu tiri: Alle ayaan kugu dhaariyay ee igu caawi in aad ila asturto ceebteyda! Anigoo yaabban ayaan ku iri: Walaal maxaa qaldan? Waxayna tiri: Nin ayaa hadda ka hor i kufsaday, kadibna uur ayaan qaaday, haddana xaamilo ayaan ahay, haddii uu qof uurkaan wax iga weydiiyana waan ka qariyaa in la i kufsaday, waxaana u sheegaa in aan ahay xaaskaada, oo aan uurkaan adiga kuu leeyahay. Waxaan kaa filayaa kheyr iyo wanaag ee fadlan wa laal ii ceebqari, adna waxaan Alle kuu weydiinayaaa in uu asturo ceebahaada. Kadibna anigoo aan u jawaabin ayay iga dhaqaaqday. Muddo kadib way dhashay gabadhii. Kadibna imaamka iyo koox ka mid ah jamaacada masjidka ayaa guriga iigu yimid, iyagoo iigu hambalyeynaya dhalashada cunuggaan! Farxad ayaan ku soo dhoweeyay, waana ka guddoomay hambalyada, kadibna waxaan galay qolkeyga oo aan ka soo bixiyay 100 Dirham, waxaan u dhiibay imaamka masjidka, waxaana ku iri: walaal...

Qabiil mise qabyaalad?

Qoraa  Khadar Cabdi Cabdillaahi  ayaa muuqaal uu shalay soo dhigay Facebook wuxuu mar uu daawadayaasha barayay nin uu ka sheekeynayay wuxuu yiri "Nin reer Burco ah oo asal ahaanna reer Berbera ah, oo Ciise Muuse ah, oo Cabdalle Qoyan ka sii ah ayaa wuxuu......" Waxaan ka helay sida fudud ee dhiirrannaanta leh ee Khadar noo baray ninkaas, deegaankiisa iyo qabiilkiisa inta uusan nooga sheekeyn. Maalmo kahorna waxaan daawaday Feysal Cali Waraabe oo leh "Ciidagale Iyo Dhulbahant e waa dhul iyo ciid, oo isku dhaqan baannu nahay" Hadallada Feysal iyo Khadar waxay i soo xusuusinayaan su'aal uu  Axmed Karaama  i weydiiyay 2018. Aniga,  Khaalid Foodhaadhi ,  Aw Guudcadde ,  Mohamed Irbad  iyo Axmed Karaama  oo Hargeysa ku sheekeysaneyna ayay saaxiibbadey dhowr jeer waxay si fudud oo aan xasaasiyad laheyn u xuseen qabiillada  dad sheekada naga soo galay. Karaama oo aan weydiiyay sababta ay sidaan furan ugu dhiirran yihiin magacyada qabiilada...