Skip to main content

Midabka Calanka Soomaalia!

Shukri Waddani waa gabar ay waddaniyad iyo daljaceyl qalbigeeda buuxiyeen, balse aysan intaas u wehlin aqoon badan oo ay Soomaaliya u leedahay. Bil kahor ayay sii qorsheysay sidii ay dareen faxadeed ugu u soo dhoweyn laheed todobaadka xurriyadda. Naashnaash ayay gurigeeda kula dhaqaaqday, waxaana qorshaha ugu jiray in ay bedesho jiifka iyo fadhiga guriga, oo ay ka dhigto midabka calanka Soomaaliya.
Asbuucii hore ayay tagtay suuqa Cirtoogte, waxay la soo baxday calan moobeelka ugu jiray, waxayna dalbatay in jiif iyo fadhi nuucaas ah loo sameeyo. Shalay ayay Cirtoogte tagtay, waxayna codsatay in alaabtii la tuso. Iyadoo alaabtii ku qanacday oo sawirro ka qaadaneysa ayuu meesha soo maray Cabdirisaaq Xasan Jidhi oo ay Shukri isku xaafad ahaan jireen. Salaan kadib, hambalyo maalinta xurriyaddda shanta Soomaaliyeed ayay ku tiri. Inta qoslay ayuu ku yiri: Shanta Soomaaliyeed waligood xurnimo ma qaadan, ee maanta oo kale(26ka Juun) waxaa xoroobay gobollada Waqooyi.
Shukri inta alaabtii farta ugu fiiqday ayay ku tiri: alaabtaan ayaan gataye ila fiirihee, soow uma qurux badna sidii calanka Soomaaliya?
Inta madaxa jiljilay ayuu wuxuu ku yiri: Calanka Soomaaliya wax ka qurux badan ma jiraan, balse midabka alaabtaan kuugu sharraxan oo ah buluug mugdi ah ma ahan kii rasmiga ahaa ee uu hindisay Maxamed Cawaale Liibaan oo ahaa buluug khafiif ah. Wuuna ka dhaqaajiyay.
Shukri ninkii carwada lahaa ayay u wacday, waxayna ka dalbatay in alaabtaan laga bedelo, looguna naqshadeeyo kan calanka Soomaaliya ee rasmiga ah, maadaama kan laga deyriyay.
Cabdirisaaq oo sii socda masaajidka cowska ayaa ka warhelay ninkii carwada lahaa oo kulleetiga ka qabtay iyo dhowr feer oo jeegada uga dhacday. Inta laga qabtay ayaa gartoodii la galay. Ninkii carwada oo faruuryaqaniinaya wuxuu ku celceliyay "Ilmo ayaa biil iga sugaya, kirada aan bil kasta carwadaan ka dhiibana waa $500 iyo shaqaalaha carwada oo ii sii dheer, ee bal walaalkey ha ii sheego waxa ay kula soo dhacday in uu ganacsigeyga suuqxiro"
Xalay ayuu Cabdirisaaq Facebook ku arkay dad xurriyadda ugu dabbaaldegaya calammo iyo dhar kala midab ah oo qof kasta ku sheegayo calanka Soomaaliya. Inta qoxay jeegadii uu ka feeray ninkii carwada lahaa ayuu igu yiri: horta ma anigaa waalan mise dadka? Soomaalidaas kala calanka ah ayaa la leeyahay ha israacdo.
Midabka calanka Soomaaliya waa midkaan uu gacanta ku wato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo oo u diray Shacabka Baaq Ku aaddan Todobaadka Xorriyadda Iyo Midnimada

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...