Qoraa Khadar Cabdi Cabdillaahi ayaa muuqaal uu shalay soo dhigay Facebook wuxuu mar uu daawadayaasha barayay nin uu ka sheekeynayay wuxuu yiri "Nin reer Burco ah oo asal ahaanna reer Berbera ah, oo Ciise Muuse ah, oo Cabdalle Qoyan ka sii ah ayaa wuxuu......"
Waxaan ka helay sida fudud ee dhiirrannaanta leh ee Khadar noo baray ninkaas, deegaankiisa iyo qabiilkiisa inta uusan nooga sheekeyn.
Maalmo kahorna waxaan daawaday Feysal Cali Waraabe oo leh "Ciidagale Iyo Dhulbahante waa dhul iyo ciid, oo isku dhaqan baannu nahay"
Waxaan ka helay sida fudud ee dhiirrannaanta leh ee Khadar noo baray ninkaas, deegaankiisa iyo qabiilkiisa inta uusan nooga sheekeyn.
Maalmo kahorna waxaan daawaday Feysal Cali Waraabe oo leh "Ciidagale Iyo Dhulbahante waa dhul iyo ciid, oo isku dhaqan baannu nahay"
Hadallada Feysal iyo Khadar waxay i soo xusuusinayaan su'aal uu Axmed Karaama i weydiiyay 2018. Aniga, Khaalid Foodhaadhi, Aw Guudcadde, Mohamed Irbad iyo Axmed Karaama oo Hargeysa ku sheekeysaneyna ayay saaxiibbadey dhowr jeer waxay si fudud oo aan xasaasiyad laheyn u xuseen qabiillada dad sheekada naga soo galay. Karaama oo aan weydiiyay sababta ay sidaan furan ugu dhiirran yihiin magacyada qabiilada ayaa iigu jawaabay: Ninyohow qabiilka xasaasiyad kama qabno, lama gambanno, mana isku colaadinno, balse reer koofurow munaafaqad ayaa idinka buuxda, oo qabiilka uurka waad ka ogoshihiin oo xilalka baad ku qeybsataan, afkana waad ka ilaalisaan, siyaasigii magac qabiil soo hadalqaadana in uu qabyaaladiiste yihiin ayaad ku shaabadeysaan"!
Waa run, oo hadalkii Axmed waxaan soo xusuustay mar uu Sep 2019 Sanbaloolshe ka dhawaajiyay magacyo qabiil ee qabyaaladiiste lagu tilmaamay.
Nasiibwanaag, waxaa muuqata in aan gaarnay bilowga dhammaadka xasaasiyadda qabiilka, oo halkii ay markii warbaahinteennu tebinayso dagaal ama nabad dhex martay labo beelood ay afka ka dhowri jirtay magacyada beelahaas ee ay ka dhihi jirtay "Labo beelood oo walaalo ah ayaa......" waxaan maanta arkay shir ciwaan looga dhigay “Shirka nabadeynta galbeedka gobolka Mudug ee beelaha Leelkase iyo Sacad"
Qabiilku waa kan maanta dowladnimadeennu ku dhisan tahay, ee ay Soomaalidu wax ku qeybsato, ee adiga oo aan la gamban qabiilka u adeegso ujeedkii Alle u sameeyay ee ahaa in la isku garto, balse nac, kana fogow qabyaaladda oo ah in qabiilka la isku dulmiyo, la isku dilo, la isku takooro, ama la isugu awood sheegto. Qabiilku waa fiican yahay ee qabyaaladda ayaa xun, saaxiib.
Masha Allah Somalia Wadada Guusha Bay Haysaa, Allah Baan Khayr Iyo Isafgarad Ka Baryanaa
ReplyDelete