Waa Xuseen Sabriye oo la sawiran Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan(Mayow). Tuulada Daarusalaam ee gobolka Shabeellada Hoose ayuu Mayow ku dhashay. Sanad-dugsiyeedkii 2004-2005 ayuu ka qalinjebiyay iskuulka Tadaamun ee magaalada Muqdisho. Nasiibxumo duruufta dhaqaale uma saamixin in uu waxbarashadiisa sii wato oo uu jaamacad dhigto. Aabbihiis Maxamed Cusmaan oo ka mid ahaa shaqaalihii nadaafadda ee shirkadda Nationlink ayay ciidankii Itoobiya ku dhex dileen shirkadda bishii Maarso ee 2008. Cabdiraxmaan Mayow oo ahaa curadka reerka ayaa la wareegay masuuliyaddii aabbenimo ee qoyska, wuxuuna galay booskii shaqada ee uu aabbihiis ka dhintay, si uu u dabbaro nolosha qoyskiisa, wuxuuna shaqadii nadaafadda ka billaabay isla xaruntii aabbihiis lagu dhex dilay.
Gelinka hore ayuu shirkadda ka shaqeynayay, gelinka dambe oo uu shaqada fasax ka ahaana wuxuu barashada kumbiyuutarka ka billaabay machadkii SOCOMIN oo uu lix bilood uga bartay aasaaska kumbiyuutarka. Bil kadib markii uu SOCOMIN ka baxay ayuu maqlay in ay shirkaddu qaadaneyso shaqaale cusub oo dugsi sare ah oo lagu imtixaanayo xisaab iyo kumbiyuutar, wuxuu ka qeybgalay imtixaankii, wuxuuna ka galay kaalinta koobaad, sidaas ayuuna uga dallacay shaqadii nadaafadda, wuxuuna ku biiray call-centerka shirkadda(888) oo aan isku barannay, kana wada shaqeynay.
2011 waxaa jaamacad billaabay walaalkiis ka yar oo uu isagu qarashka waxbarashada ka bixinayay, waxaana sababtaas dhaqaale ahaan ugu adkaatay in uu isaguna jaamacad dhigto. Markii uu walaalkiis jaamacaddii dhammeeyay 2015 ayuu isaguna billaabay, wuxuuna 2019 ka qalinjebiyay kulyadda kumbiyuutarka ee jaamacadda Soomaaliya(UNISO).
Eng. Mayow wuxuu Nationlink ka soo qabtay shaqooyin iyo xilal kala duwan, wuxuuna markii ugu dambeysay ka ahaa madaxa Maareynta Xiriirka Macaamiisha(CRM) ee shirkadda.
Halgan dheer kadib, hadda Cabdiraxmaan waa aabbaha lix carruur ah, carruurtii la dhalatay ee uu aabbaha labaad u ahaa oo siddeed qof aheedna heer fiican ayay maanta waxbarasho iyo shaqo ka kala gaareen oo kan ugu yar wuxuu marayaa dugsi dhexe, isaguna wuxuu maamule-waaxeed ka yahay shirkadda SOMTEL, maanta ayaana xafiiskiisa ugu tegay.
Cabdiraxman wuxuu kaalmaha hore uga jiraa dadkii ugu daacadsanaa, uguna hawlkarsanaa ee aan la soo shaqeeyay. Waxaa cajiib ah duruufihii uu ku soo koray, halgankii uu soo galay, caqabadihii qabsaday iyo sidii uu uga soo gudbay. Eng. Mayow wuxuu tusaale nool u yahay qof kasta oo nolol adag la hardamaya, balse hankiisu yahay in uu ka meel sare gaaro, waana sababta aan uga codsaday in aan dadka aan aqoon la wadaago halgankiisii nololeed iyo sooyaalkiisa qurxoon, si cashirro looga barto.

Masha Allah Allaha Barakeeyo Cabdirahman
ReplyDeleteMaashaa allaah waa wax lagu farxo dadaalka uu sameeyay wiil dhalinyaro ah kaasoo lakulmay duruuf tii ugu xumayd haddana go'aan ku gaaray inuusan isdhiibin ee uu meel kagaaro yoolkiisii waxbarasho iyo mas'uuliyaddii kale ee uu dhaxlay. Mahadsanid hussein.
ReplyDeleteMasha Allah , Halgan ka Eng Mayow Waa Mid Natusaayo naguna dhiiri galinaayo In aan marna laga niyad jabin Nolashana aan laga rajo dhigin.
ReplyDelete