Goor habeen ah ayay iigu timid gurigeyga. Iridda ayay soo garaacday, waan ka furay, waxayna igu tiri: Alle ayaan kugu dhaariyay ee igu caawi in aad ila asturto ceebteyda! Anigoo yaabban ayaan ku iri: Walaal maxaa qaldan? Waxayna tiri: Nin ayaa hadda ka hor i kufsaday, kadibna uur ayaan qaaday, haddana xaamilo ayaan ahay, haddii uu qof uurkaan wax iga weydiiyana waan ka qariyaa in la i kufsaday, waxaana u sheegaa in aan ahay xaaskaada, oo aan uurkaan adiga kuu leeyahay. Waxaan kaa filayaa kheyr iyo wanaag ee fadlan walaal ii ceebqari, adna waxaan Alle kuu weydiinayaaa in uu asturo ceebahaada. Kadibna anigoo aan u jawaabin ayay iga dhaqaaqday.
Muddo kadib way dhashay gabadhii. Kadibna imaamka iyo koox ka mid ah jamaacada masjidka ayaa guriga iigu yimid, iyagoo iigu hambalyeynaya dhalashada cunuggaan!
Farxad ayaan ku soo dhoweeyay, waana ka guddoomay hambalyada, kadibna waxaan galay qolkeyga oo aan ka soo bixiyay 100 Dirham, waxaan u dhiibay imaamka masjidka, waxaana ku iri: walaal gabadhaas waan qabi jiray, balse hadda waan kala tagnay, bil kastana waxaan kuugu dhiibi doonaa 100 Dirham oo biil iyo nafaqo u ah iyada iyo cunugga ay ii heyso, adigana waxaan kaa rajeynayaa in aad iga gaarsiiso. Imaamkii wuu iga aqbalay, sidaas ayaana lacagtaas ugu dhiibi jiray bil kasta.
Laba sano kadib waxaa dhintay cunuggii, waxaana ii yimid dad iiga tacsiyeynaya!
Maalmo kadib geeridii cunugga, ayuu xilli habeen ah qof soo garaacay iridka gurigeyga, waan ka furay, waaba gabadhii ii timid labo sano kahor oo boorso gacanta ku waddo, kadibna iyadoo ooyneysa ayay boorsadii ii dhiibtay, waxayna igu tiri: walaal halkaan waxaa ku jira lacagihii aad imaamka masjidka iigu soo dhiibi jirtay, waad ii ceeb qarisay, adna Alle ha usturo ceebahaada. Kama qaadin lacagtii oo waan ku celiyay, waxaana u sheegay in aan sadaqo u niyeysan jiray. Kadibna waxay iga tagtay iyadoo faraxsan oo ii mahadcelinaysa.
Sanad kadib, gabadhii waxaa guursaday nin ganacsade ah. Ninkii ayaa maalin iigu yeeray in aan shirko(share) kula noqdo ganacsigiisa. Waan ku farxay, waana aqbalay, wixii xiligaas ka dambeeyayna wuxuu Alle ii waasiciyay nolosha, wuxuuna ii furay ilo dhaqaale oo iga xirnaa.
Qisadaan waxay ku dhacday, kana sheekeeyay Axmed Binu Mahdi oo qarnigii saddexaad ee Hijriyada ku noolaa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq. Imaamu Ibnu Kathiir ayaana ku wariyay buuggiisa Al-Bidaayah Wannihaayah, mujallada 11-aad, bogga 185.
Qiso ku cibro qadasho mudan mhdsndππππ
ReplyDeleteWaa qiso macnno badan xanbarsan inna faraysanna in aan ceebaha dadka aan la sheegin oo la asturo si alle taadda u dabboolo alle xaqa ha ina garansiiyo mar walba noo soo badi qisooyinkan oo kale mahad sanid
ReplyDeleteCajaaib!
ReplyDeletem.a Ceebeheena Allaha asturo
ReplyDeleteWaa wadooyinka dadka Kheyrka badan taas oo ay adagtahay in lahelo maanta Qofkii sameeyana uu yahay xidig bulsho maanta jirtaa leedahay . Runtii waa isoo jiidatay. Mahadsanid uataad sabriye.
ReplyDeleteAllah aya mahad is kaleh oo wafijiyay qeryka
ReplyDelete