Skip to main content

Yaa lagugu gaadin qabyaalad loo geliyay shaati diineed ama waddaniyadeed

Maalin hore waxaan daawaday Sh. Xasaan Xuseen Aadam oo ka sheekeynaya culimaddii Itixaadka. Wuxuu yiri: Markii ay Midowgii Maxaakiimtu ka curteen Koofurta Soomaaliya way wada taageeeen Itixaadku. Balse markii ay dowladdii Cabdullahi Yuusuf Axmed Muqdisho qabsatay waxaa aragtideeda ku kala jabay Itixaadka. Itixaadkii Daarood waxay taageereen dowladda, halka Itixaadkii Hawiye ay dowladda gaaleysiiyeen. Markii Shariif Sh. Axmed la doortayna waxaa taageeray Itixaadkii Hawiye, halka Itixaadkii Daaroodna ay gaaleysiiyeen"
Sh. Xasaan wuxuu soo xiganayaa Sh. Cabdulqaadir Gacamey oo ka mid aaa hoggaankii Itixaadka oo yiri "Dacwadii culimadii Itixaadka waxaa baabi'say qabyaalad"

Dhanka kale, Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji oo aan ku xusuusto in uu mucaarad ku ahaa dowladdii Xasan Sh. Maxamuud, wuxuu ka hadli jiray waddaniyad, wuxuuna dowladda ku eedeyn jiray khiyaano-qaran. Malaheyga, sidii loo doortay madaxweyne Farmaajo ma arkin xildhibaan Sakariye oo mucaarad ah ama waddaniyad ka hadlaya. Maanta ayaan daawaday dood dhex mareysa isaga iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa oo ka mid ah hoggaankii dowladdii Xasan Shiikh. Odowaa wuxuu Sakariye ku eedeynayaa in uu ku ahaa waddani mucaarad ah afartii sano ee Xasan Shiikh madaxweynaha ahaa, balse maanta oo uu ina adeerkiis[Farmaajo] madaxweyne yahay aan la akin isaga oo waddaniyad ka hadlaya.
Markuu intaas marayo ayaa Sakariye dhahayaa: War qabyaaladda naga dhaaf. Odowaa ayaa ugu jawaabaya: "Sakariyow qabiilka waa naga wacdineysaa, jeebka ayuuna kaaga buuxaa"!

Waa halka ay Soomaalidu uga maahmaahdo: Fiqi tolkiis kama Janno tago e, hadalka Shiikh Xasaan iyo Xildhibaan Odowaa waxaa iiga baxay in qofka Soomaaliga ah si kasta oo uu wadaad iyo waddani u yahay, uu ugu dambeyn yahay qof reer hebel ah, ee ka digtoonow in qof wato dantiisa gaarka ah ama kaar qabiil uu kuugu soo geliyo shaati diineed ama mid waddaniyadeed. Dhiifoonow saaxiib!

Comments

  1. Anoo waddani ah waan taayari karo dowlad midna waan mucaaradi karaa sheekada ma ahan qabiil we iskafiiri

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...