Isaga oo dugsi sare dhigto ayaan 2017kii isku barannay maktabadda xarunta Ifiye oo uu wax ku aqrisan jiray. Wuxuu ahaa arday han iyo hiigsi leh oo ay ku weyn tahay in uu waxbarashada heer ka gaaro. Saaxiibkey Cabdiwahaab Axmed Cali oo maktabadda Ifiye masuul ka ahaa ayaa maalin hore i soo wacay, wuxuuna ii sheegay in wiilkii yaraa uu jaamacad galay, balse uu dhowaan uga haray duruufo dhaqaale dartood, waxaana isla garannay in aan codkiisa gaarsiinno cid wax ka qaban karta.
Wiilkii ayaan la xiriiray, waxaana ka warsaday xaaladdiisa. Wuxuu igu yiri “Waxaan iskuulkii ka qalinjebiyay 2018, kadibna waxaan galay jaamacad aan qiimadhimis ka helay. Hooyadey oo hoteel ka shaqeynaysay ayaa iga bixin jirtay waxbarashada, balse qarashkii jaamacadda ayaa la kordhiyay, hooyana way awoodi waysay. Waxaana 2019 u wareegay jaamacad kale oo tii hore ka qiimajaban. Horraantii 2020 ayaa Coronavirus dartiis loo xiray hoteelkii ay hooyo ka shaqeyneysay, waxaana sidaas ku waayay qarashkii waxbarashada, maadaama la xiray hoteelkii ay hooyo mushaarka ka heli jirtay, waxaana sanadkii labaad duruufo dhaqaale dartood uga haray waxbarashada. Saddex bil kahor ayaan fuundi noqday, waxaana hadda la shaqeystaa oo aan guryaha la dhisaa koox fuundiyaal oo duruuftu i bartay.”
Saaxiibkey Liibaan Caalim oo aan xaaladda wiilkaan la socodsiiyay ayaa uga sheekeeyay Senator Abshir Axmad. Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa xalay i soo wacay, wuxuuna igu yiri: Xuseenow waxaan kaa rabaa in aad berri wiilkaas ila soo hadashiiso. Maanta duhurkii ayay wadahadleen, wuxuuna Abshir Bukhaari wiilkii ku yiri: Adeer aniga ayaa waxbarashada kaa bixinaya inta aan noolahay. Aniga ayaa kuu joogo ee haka walwalin qarash waxbarasho iyo wixii kale ee aad u baahato. Waxaad iila mid tahay carruurteyda, ee maantaba iska soo qor takhasuska iyo jaamacadda aad rabto.
Jaamacaddii iyo takhasuskii hore ee duruuftu ku qasabtay wuu iska joojiyay. Galabta ayuuna i soo wacay isaga oo faraxsan oo iska soo diiwaangeliyay kulyadda Sharciga ee jaamacadda SIMAD. Dadkii dunta wanaagsanaa ee danyarta u damqanayay wali ifka kama dhammaanin.
Masha Allah alle hausaqiro wiilka yar wax barashadiisa
ReplyDeleteIllaah Ajar haka siiyo asne Sen. Abshir
ارحموا من في الارض يرحمكم من في السماء... أو كما قال الرسول صلى الله عليه وسلم.
ReplyDelete