Skip to main content

Ixtiraam caseeyaha

Annagoo jaamacad dhiganeyna ayaan bareeg u soo baxnay. Mid ardayda ka mid ah ayaa kabaha u dhiibtay wiil caseeye ah oo bannaanka fadhiyay. Wuxuu xirtay kabihii caseeyaha, wuxuuna ku yiri: fasalka iigu keen markii aad ii caseyso. Fasalka oo dabaq ku yaallay ayaan galnay, waxyar kadibna waxaa noo soo galay caseeyihii oo cagacaddeynaya oo gacanta kabihii ku wado oo raadinaya ardaygii kabaha u soo dhiibtay. Wuu siiyay, kabihiisa ayuu ka qaatay, wuuna naga baxay.

Ustaad Naasir Haji oo fasalka noogu jiray ayaa nagu yiri: Ilaahey ka baqa oo cunuggaas miskiinka ah haku addoonsanina labada kun ee aad siineysaan, oo haku qasbinina in uu kabihiinna idinku soo raadiyo markii uu caseeyo. Wuxuu ka mid ahaa cashirradii ugu qaalisanaa ee aan jaamacadda ku soo dhigtay. 

Ganacsiga in wax lagaa iibiyo waa lacag, in meesha aad joogto laguu keenana waa lacag dheeri ah. Haddii aad caseeyaha ka dabato in uu kabaha kuu dhaqo ama uu meeshaada kuugu keeno, waa gobannimo in aad lacag dheeri ah ugu darto oo aad shaqadiisa ku dhiirrigeliso.

Caseeyayaal ayaan la sheekeystay. Badankood waxay qoysaskooda ugu jiraan kaalintii aabbe, oo waxay reerka ku biilaan shilimaadka ay shaqadaas ka helaan.

Waxaad arkeysaa dad la gorgortamaya oo ka dalbanaya in iyaga oo labo qof uu saddex kun kabaha ugu caseeyo. Kunkaas shilin ee aad ka reebatay adiga waxba kaama dhibayo, caseeyahana wax weyn ayuu u galaa, oo biil iyo nolol ayuu u yahay. 

Subixii ilaa galabkii waxay u taagan yihiin in ay dadka kabaha u caseeyaan si ay quutulyoomka qoysaskooda u helaan. Waxay naga mudan yihiin tixgelin, naxariis, kaalmeyn, hadal debacsan, iyo in aan ku ixtiraamno, kuna dhiirrigelinno shaqadooda oo aan labada kun ee caseeyaha ah ugu darno wixii kale oo aan u heli karno. Aana uga mahadcelinno shaqada ay noo qabteen markii ay noo adeegaan.



Comments

  1. Wlh markaan arko aad ayn umurugooda wlhida xitaa waxad arkeysaa kuwa qaar mar loo shaqeynayo ay sii duleyaan

    ReplyDelete
  2. Waa cashar qiimo badan ,waxaan rajaynaya in arday badan oo sidaa sameeya isbedli doonan, wax barshadu qiima malaha hadii aysan badalin anshaxaaga iyo habdhaqankaaga xun

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waad mahadsan tahay ustaad khayr badan allaha kusiiyo waxaan dareemay dareen aad ii naxariis galiyay.

      Delete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...