Skip to main content

Macallinkeenna Allow kaal

“Waaagii madaafiicda lagu garaacayay xaafadaha Muqdisho ayaa madfac Fooriye ah ku soo dhacay iridka jaamacadda anigoo ilaalinaya arday imtixaan ku jirtay. Waan kala cararnay, arday kastana warqaddii imtixaanka ayuu la booday. Waxaan galnay dhisme shub ah oo jaamacadda ku dhex yaallay. Intii aan meesha ku jirnay waxaa dhegteyda ku dhacay arday meesha nagula jiray oo arday kale ku dhahaya: hebelow su’aal heblaayo maxaad ka dhigtay?!

Xoogaa kadib waxaa noo soo galay muqaawamadii. Markii ay arkeen in ay tahay goob waxbarasho ayay nagu dhaheen: ka carara meesha oo guryihiinna kala aada. Waan kala tagnay. Saacad kadib ayaa waxaa i soo wacay mid ardaydii ka mid ah, wuxuuna igu yiri: ustaadow Kaaraan ayaan joogaa, warqaddii imtixaanka oo aan la cararay ayaana wataa ee halkee kuugu keenaa?!

Dhacdadaan oo uu iiga sheekeeyay ustaad Mahamud Jimale waxay tusaale nool u tahay duruufihii ay macallimiinteenna ku soo shaqeeyeen iyo halgankii ay ardaydeennu wax ku soo barteen. Macallimiinteennu waxay iftiin rajo ah bulshadeenna uga dhex ifiyeen qol mugdi ah xilli ay adkeen in waxbarasho lagu riyoodo. 

Xaaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray waxay suurageliyeen in aysan waxbarashadu joogsan. Naftooda ayay u hureen. Macallimiin badan ayaa lagu dhex toogtay dugsiyo Quraan iyo fasallo ay carruurteenna wax ku barayeen. Qaar kalena waxay silac badan kala kulmeen in ay gaaraan ama ka soo laabtaan xaruntii waxbarasho ee ay ka hawlgelayeen.

Maanta kaliya ma aha maalinka macallimiinta Soomaaliyeed ee maalin kasta waa maalinkoodii. Maalin kasta ayay carruurteenna wax ku baraan halgan iyo nafhur. Waxayna naga mudan yihiin bogaadin, mahadcelin iyo in aan xiriirinno oo aan ka warqabno noloshooda iyo duruufahooda. Intii dhimatay Eebbe ha u naxariisto, inta noolna cimriga Alle ha u barakeeyo.



Comments

  1. Waa qormo xaqiiqada tabanayso . Waxay cadaynasaa biseelka ay ardaydeenu u qabaan aqoon ta iyo dadaalka ababaiyaasha . Mahadsanidiin cidkastaa oo xaraf noo xariiqday.

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...