Skip to main content

U fikir si ka duwan sida ay dadku u fikiraan

Maalin hore waxaan suuqa Bakaaraha ku arkay nin ku shaqeysyo miisaanka dadka lagu cabiro oo ay dad badan ku xoonsan yihiin. Waxaan arki jiray rag miisaankaas wato oo ay macaamiil la'aan heyso, balse ninkaani wuxuu adeegsaday xeelad sababtay in lagu soo dhoobto. 

Wuxuu istaagay waddo ay ku soo rawaxayeen dad suuqa ka soo hoyaaday. Wuxuu heystay makaroofan, wuxuuna dhahayay "ha iska socan ee isla soco, miisaankuna waa free oo lacag kaama rabo haddii uu miisaankaadu noqdo: 46kg, 51kg, 61kg, 72kg ama 84kg. Wuxuuna gacanta ku hayay warqad ay lambaradaasi ku qoran yihiin.

Dadkii meesha marayay oo aan ka mid ahaa ayaa ku soo dhoobtay, waxaana saf dheer u galnay miisaankii, si aan u tijaabinno nasiibkeenna. Intii aan safka ku jirnay, dhowr qof ayuu miisaankoodu noqday lambarradii warqadda ku qornaa, lacagna kama uusan qaadin. Waxaase kuwaas ka badnaa dad aan anigu ka mid ahaa oo uu miisaankoodu intaas noqan waayay, ee uu lacag ka qaaday.

U fikir si ka duwan sida ay dadku u fikiraan!


Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...