Skip to main content

Waxbar oo ula dhaqan sidii qof isnsaan ah

Qoysas badan waxaa guryaha uga shaqeeya gabdho ay da’doodu u dhexeyso 8 ilaa 20 oo ay ka soo kireysteen qoysas danyar ah. Gabdhahaas badankood fursad uma helin dugsi Quraan iyo waxbarashada aasaasiga ah, da’daasna waa midda jiheyneysa mustaqbalka qofka, waana marka uu ugu baahi badan yahay, uguna diyaarsan yahay in uu waxbarto. 

Gabadha guriga kaaga shaqeyso waxay mudan tahay waxbarashada ay gabadhaadu u qalanto iyo mustaqbalka aad carruurtaada la rabto, balse duruuftu uma saamixin, adiga ayayna maanta kula nooshahay, waxaana la helayaa dugsiyo iyo iskuullo la dhigto saacado iyo maalmo kooban, ee fadlan u iftiimi mustaqbalkeeda mugdiga ah oo ku caawi in ay waxbarato. Qaarkoodna ma dareensana qiimaha waxbarashada ee fadlan adigu ku dhiirrigeli in ay ka xorowdo xabsiga jahliga.

Xusuusteyda kama go’in qoys ay u joogtay gabar shaqaale ah oo aan deris ku aheyn Geedjaceyl. Dugsi iyo iskuul ayay geeyeen. Waxay dareensiiyeen in ay ku nooshahay guriga hooyadeed. Gabdhahooda ayay kala qeybsan jireen shaqada guriga, waxayna hooyo iyo aabbe dhihi jirtay maammada iyo aabbaha qoyska. Sanadkii hore ayayna jaamacad billaawday.

Markii laga soo tago waxbarashadeeda, ula dhaqan sidii aad jeclaan laheed in laguula dhaqmo adigoo shaqaale ah. U ixtiraam sidii qof isnsaan ah, uguna adeego sidii qof nolol iyo nasiino u baahan. Haku addoonsanin shilimaadka yar ee aad waalidkeed siiso. U dhimri oo ha u dirin shaqo aysan xamili karin. Ha dilin. Ha dulmin. Hana uga eexan haddii ay carruurtaada isku dhacaan. Maalmaha farxadda iyo ciidaha, uga farxi sida aad ilmahaada uga farxineyso. Haddii aad baashaal iyo tamashleyn meel u aadeysaan, fadlan wad oo kaligeed ha uga tegin guriga, oo ha dareensiin in ay addoon kuu tahay. In aysan jirin qof maanta kaa ceshaneysa yeysan kugu qancin in aad dulmiso, ee ha kugu dhiirrigeliso in aad daryeesho, oo aad xaqeeda iyo isheeda iska ilaaliso.

Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...