Skip to main content

Posts

Showing posts from January, 2021

Fariid han leh

Saaxiibkey Cabdullaahi Baazi Cabdullaahi waa wiil fariid ah oo aan deris nahay. Waa 13 jir iskuulley ah. Masjidka xaafadda ayaan isku barannay. Waxaan kala sheekeystay riyadiisa, wuxuuna ii sheegay in uu xiiseeyo maaweelada carruurta oo uu jeclaan lahaa in uu ka shaqeeyo kannaalka carruurta ee Astaan Ubad, si uu carruurteenna ugu gudbiyo madadaalo iyo wacyigalin Soomaaliyaysan. Agaasimaha Astaan Cabdimannaan Yuusuf ayaan 2019 uga sheekeeyay hanka iyo riyada Cabdullaahi Baazi. Wuu la dhacay, wuxuuna igu xiray Axmed Cilmi oo ah agaasimaha Astaan Ubad. Asbuuc kadibna Cabdullaahi wuxuu ka shaqo billaabay Astaan Ubad. Maalinka Khamiista ah ayuu shaqada galaa, wuxuuna Astaan Ubad ka jeediyaa barnaamijyo xiiso leh oo la hadlaya wacyiga iyo garaadka carruurta. Xalay ayaan Cabdullaahi Baazi ku kulannay xafladda Habeenka Astaan oo uu ka mid ahaa shaqaalihii lagu dhiirrigelinayay. Astaan waxaan ku bogaadinayaa halabuurka ay ku soo kordhiyeen warbaahinteenna, waxaana uga mahadcelinayaa in ay fursa...

Bixitaankii Itoobiya ee Muqdisho: Xus iyo Xusuus

Waa 12 sano kahor maanta oo kale. Waa subax Khamiis ah. Bisha Jannaayo waa 15, sanadkuna waa 2009. Waxaan ku noolahay xaafadda Tiida ee degmada Deyniile oo aan ku barakacay. Waxaan dhagaysanayaa warka aroornimo ee idaacadda Shabeelle, oo aan subaxaas ka maqlay warkii iigu farxadda badnaa ee aan idaacad ka dhagaystay, oo sheegayay in ciidamada Itoobiya ay xalay ka baxeen Muqdisho, ayna faarujiyeen Isgoyska Florenza, Madaxtooyada Soomaaliya, Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xarunta Guulwadayaasha, Isbitaalkii Digfeer, Kulyadda Jaalle Siyaad iyo Xeradii Asluubta. Maalin kahorna waxay ka baxeen Warshaddii Baastada, Xeyle Bariise, Miisaanka Dhuxusha, Stadium Muqdisho, Xaruntii Xisbiga iyo Isgoyska Cali Kamiin. Halhaleel ayaan uga baxay guriga, waxaana ku biiray kumanaan qof oo farxad la soo firxday, si ay u soo arkaan guryihii ay labo sano kahor ka qaxeen. Waxaan lug ku imid xarunta Gaashaandhigga. Afhayeenkii Hawlgallada ee Maxkamadaha Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa iridka Gaashaandhigga kul...

Idiocracy

Sanadku waa 2006. Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa qorshaynaysa in ay samayso tijaabo qarsoodi ah oo ah in la suuxin karo askarta, lana toosin karo markii loo baahdo. Waxaa tijaabadaan oo hal sano qaadanaysa loo dooranayaa Joe Bauers oo ah askari IQ-giisu dhexdhexaad yahay iyo Rita oo ah haweeney la soo kireeyay si ay tijaabadaan ka qeybqaadato.  Joe iyo Rita waa la suuxiyay, waxaana la galiyay sanduuq. Waxaa fadeexad lagu helayaa, lana xirayaa sargaalkii Pentagonka u qaabilsanaa tijaabadaan. Sababtaas ayaana Joe iyo Rita loogu halmaamayaa sanduuqii oo ay ku jiri doonaan boqolaal sano. Taariikhdu waa Maarso 2505. Waxaa 500 oo sano laga joogaa maalinkii tijaabadaan la billaabay. Boqolaalkii sano ee Joe iyo Rita sanduuqa ka jireen ayay dadkii aqoonta iyo caqliga lahaa ka daaheen guurka, waxay yareeyeen dhalmada, waxayna aqoontooda, maskaxdooda iyo waqtigooda galiyeen cilmibaarisyo ku saabsan sida bidaarta loo beero, sida la isu cayiliyo ama la isu caateeyo iyo sida loo xoojiyo x...

Halgan

 Wuxuu dhiganayay Jaamacadda Jamhuuriya. Waa goor barqo ah. Ustaad Cabdiwahaab Cabdullaahi Cilmi oo saaran balakoonka jaamacadda ayaa kor ka arkay isagoo murugsan oo ilmaynaya. Ardaygii wuxuu tegay qeybta waysada ee jaamacadda. Wuu waysaystay, wuxuuna galay masjidka. Ustaad Cabdiwahaab wuxuu arrinkii u sheegay ustaad Maxamuud Jimcaale oo markaas ahaa guddoomiyaha jaamacadda.  Ustaad Jimcaale wuxuu masjidka ugu tegay ardaygii oo tukanaya. Wuxuu keenay xafiiskiisa, wuxuuna waydiiyay sababta uu la murugaysan yahay. Ardaygii wuxuu yiri: waxaa qarashka waxbarashada iga bixin jiray nin seedsigay ah. Bilo kahor ayuu furay walaashey, wuxuuna joojiyay qarashkii uu iga bixin jiray, waxayna hadda jaamacadda igu leedahay lacag ku dhow $400.  Ustaad Jimcaale ayaa ku yiri: waxaan maamulka kale ee taladu igala dhaxeyso ka codsanayaa in lagaa xalliyo lacagta hadda kugu taagan, balse qaraabada dhex gal oo baadigoob qof hadda kadib waxbarashada kaa bixin kara, haddii aad waysidna igu soo l...

Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida ee Heritage

Waxaa maanta soo gabagaboobay Madasha Aragti-wadaagga Soomaalida oo uu machadka Heritage sanadkaan ku qabtay magaalada Garowe. Wixii madasha ka soo baxay waxaa laga heli karaa war-murtiyeedka shirka, waxaanse halkaan kugula wadaagayaa wixii iiga baxay asbuucii aan shirkaas joogay.  Madasha oo saddexdii sano ee la soo dhaafay Jabuuti ku martigelinaysay 200 oo qof waxaa sanadkaan ka qeybgalay dad ka badan 700, oo isaga kala yimid Soomaaliya. Waxaana ku kumlay dad deegaan ahaan iyo aragti ahaan kala fogaa oo ay adkeed in ay is arkaan. Shirku wuxuu ahaa mid siyaasadeed, waxaase siyaasiyiinta uga badnaa dadka ka socday bulshada kale. Sida ay dadku isu dhexgalayeen, shirkana loogu dooday waxaa ka muuqatay sida fudud ee ay Soomaalidu isu fahmi karto haddii ay wadahadasho. Shirkaan wuxuu qaaday isbaarooyinkii dhexyaallay siyaasiyiinta. Dowladda, mucaaradka iyo siyaasiyiin aan Muqdisho isku arki jirin ayaa madasha isku warsaday, iskuna raalligaliyay. Kulankoodu wuxuu shacabka kala taageersa...