Skip to main content

Bixitaankii Itoobiya ee Muqdisho: Xus iyo Xusuus

Waa 12 sano kahor maanta oo kale. Waa subax Khamiis ah. Bisha Jannaayo waa 15, sanadkuna waa 2009. Waxaan ku noolahay xaafadda Tiida ee degmada Deyniile oo aan ku barakacay. Waxaan dhagaysanayaa warka aroornimo ee idaacadda Shabeelle, oo aan subaxaas ka maqlay warkii iigu farxadda badnaa ee aan idaacad ka dhagaystay, oo sheegayay in ciidamada Itoobiya ay xalay ka baxeen Muqdisho, ayna faarujiyeen Isgoyska Florenza, Madaxtooyada Soomaaliya, Wasaaraddii Gaashaandhigga, Xarunta Guulwadayaasha, Isbitaalkii Digfeer, Kulyadda Jaalle Siyaad iyo Xeradii Asluubta. Maalin kahorna waxay ka baxeen Warshaddii Baastada, Xeyle Bariise, Miisaanka Dhuxusha, Stadium Muqdisho, Xaruntii Xisbiga iyo Isgoyska Cali Kamiin.

Halhaleel ayaan uga baxay guriga, waxaana ku biiray kumanaan qof oo farxad la soo firxday, si ay u soo arkaan guryihii ay labo sano kahor ka qaxeen. Waxaan lug ku imid xarunta Gaashaandhigga. Afhayeenkii Hawlgallada ee Maxkamadaha Cabdiraxiin Ciise Caddow ayaa iridka Gaashaandhigga kula hadlaya dadweynaha iyo saxaafadda, wuxuuna shacabka ugu baaqayaa in ay dulqaataan inta ay ka xaqiijinayaan ammaanka goobaha ay Itoobiyaanku ka baxeen. Warkaas lagama dhagaysan oo iridka ayaa la isku buurtay. 

Barqadii ayaan ka baxay Gaashaandhigga, waxaana galnay kulyadda Jaalle Siyaad, kadibna waxaan ku lugeeyay laamiga Warshadaha, waxaan sii maray Xarunta Guulwadayaasha, waxaana duhurkii gaaray garoonka Stadium Muqdisho oo ay shacabku buuxdhaafiyeen. Dad aan ka xusuusto abwaan Abshir Bacadle iyo abwaan Guure ayaa maalinkaas shacabka kula hadlay Isbartiibada. 

Waxaan ka baxay Stadium Muqdisho, waxaan sii maray saldhigyadii ay Itoobiyaanka ku lahaayeen Xarunta Xibsiga, Isgoyska Cali Kamiin, Xamar Bile iyo Isgoyska Foloronza. Waxaana tegay gurigeenna oo ku yaalla xaafadda Xararyaalle oo aan ka qaxnay kadib markii uu noogu soo galay madfac habaryartey naafeeyay. Geed Yuhuud iyo Tiitiin ayaa dariiq kasta xiray. Luuqyada xaafaddana waxaa ka soo uraya maydad ku qurmay.

Guri kasta waxaa ka muuqdo burbur ka soo gaaray madaafiicdii Itoobiyaanka. Deriskaygii ayaan sanado kadib dib u kulannay. Intii qaxa lagu jiray qoys kasta tiisa ayaa heysatay oo dadku war isuma heyn, balse maalinkaas ayaa la is warsaday. Yaa dhintay iyo yaa nool ayaa la is waydiiyay. Hebel iyo heblaayo waa dhinteen. Hebel dhiigbax ayuu u geeriyooday. Qoys hebel waxaa ka nool hebel iyo heblaayo. Hebel dhaawaciisa inta dalka wax waa looga qaban ayaa dibadda loo qaaday. Heblaayo isbitaal hebel ayay taallaa oo Itoobiyaanka ayaa kufsiwadareed u gaystay. Hebelna meydkiisa ayaa la qaadi waayay, kadibna eeyo ayaa meel heblaayo ku cunay, ayaa la is yiri.

Warbixin ay Wakaaladda Wararka ee Reuters maalinkaas daabacday waxay ku sheegtay in ay Itoobiyaanku Muqdisho ku dileen 16,000 oo shacab ah. Ayna barakiciyeen dad hal milyan ka badan. Tirada dhimashadu intaas way ka badneyd oo odayaasha Beelaha Hawiye oo maalin kasta sheegi jiray halka ay dhimashadu mareyso waxay markii iigu war dambaysay kor u sii dhaafaysay 28,000. 

Kumanaan qof oo ila dareen ah oo maalinkaas ka soo lugeeyay deegaannadii ay u qaxeen ayaa guryahoodii dib u arkaya. Maalmo kadib qoys kasta gurigiisa ayuu dayactir ku bilaabay, kuna soo laabtay. Malaha ma jiro qof reer Muqdisho ah oo aan xasuuqii Itoobiya ku waynin qof uu jeclaa iyo qoys Muqdisho ku noolaa oo aan qixin, qofna uga dhiman ama uga dhaawacmin.

Si kasta oo Madaxda dalku ay maanta ula saaxiibto Itoobiya, kuna celceliso in aan walaalo nahay, ayna ugu saxiixdo dakadaha Soomaaliya, waxaan hubaa in aysan Soomaalidu hilmaameynin xasuuqii ay Itoobiya Muqdisho ka gaysatay, inta ay nool yihiin carruurtii ku agoontoobay ama ku rajoobay xasuuqii Itoobiya, waalidkii ku gablamay iyo dadkii ku naafoobay.

Maalinkii ay Itoobiya dalka ka baxday waxay reer Muqdisho u aheyd maalin ciid ah. Waa maalin xus iyo xusuus gaar ah mudan oo ay tahay in iskuullada lagu dhigo, halgan guuleystay iyo xaflado dabbaaldeg ah lagu sunto.






Comments

  1. Xussain Sabriye sxb wad mahadsanthy waxan barayay xasuuqi mugdisho runtii xogbadan ayaan kafaaiday mahadsanid.

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...