Wuxuu dhiganayay Jaamacadda Jamhuuriya. Waa goor barqo ah. Ustaad Cabdiwahaab Cabdullaahi Cilmi oo saaran balakoonka jaamacadda ayaa kor ka arkay isagoo murugsan oo ilmaynaya. Ardaygii wuxuu tegay qeybta waysada ee jaamacadda. Wuu waysaystay, wuxuuna galay masjidka. Ustaad Cabdiwahaab wuxuu arrinkii u sheegay ustaad Maxamuud Jimcaale oo markaas ahaa guddoomiyaha jaamacadda.
Ustaad Jimcaale wuxuu masjidka ugu tegay ardaygii oo tukanaya. Wuxuu keenay xafiiskiisa, wuxuuna waydiiyay sababta uu la murugaysan yahay. Ardaygii wuxuu yiri: waxaa qarashka waxbarashada iga bixin jiray nin seedsigay ah. Bilo kahor ayuu furay walaashey, wuxuuna joojiyay qarashkii uu iga bixin jiray, waxayna hadda jaamacadda igu leedahay lacag ku dhow $400.
Ustaad Jimcaale ayaa ku yiri: waxaan maamulka kale ee taladu igala dhaxeyso ka codsanayaa in lagaa xalliyo lacagta hadda kugu taagan, balse qaraabada dhex gal oo baadigoob qof hadda kadib waxbarashada kaa bixin kara, haddii aad waysidna igu soo laabo. Labo maalin kadib ayuu ustaad Jimcaale u yimid isagoo faraxsan, wuxuuna ku yiri: ustaadow waan helay qof lacagta iga bixiyo.
Wuxuu ka mid ahaa ardayda jaamacadda ugu kartida iyo dadaalka badan. Maanta ayuu jaamacadda ka qalinjabiyay, wuxuuna ku jiraa wajiyadaan quruxda badan ee sawirka ka muuqdo.
Man sha allaah
ReplyDelete