Sanadku waa 2006. Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa qorshaynaysa in ay samayso tijaabo qarsoodi ah oo ah in la suuxin karo askarta, lana toosin karo markii loo baahdo. Waxaa tijaabadaan oo hal sano qaadanaysa loo dooranayaa Joe Bauers oo ah askari IQ-giisu dhexdhexaad yahay iyo Rita oo ah haweeney la soo kireeyay si ay tijaabadaan ka qeybqaadato.
Joe iyo Rita waa la suuxiyay, waxaana la galiyay sanduuq. Waxaa fadeexad lagu helayaa, lana xirayaa sargaalkii Pentagonka u qaabilsanaa tijaabadaan. Sababtaas ayaana Joe iyo Rita loogu halmaamayaa sanduuqii oo ay ku jiri doonaan boqolaal sano.
Taariikhdu waa Maarso 2505. Waxaa 500 oo sano laga joogaa maalinkii tijaabadaan la billaabay. Boqolaalkii sano ee Joe iyo Rita sanduuqa ka jireen ayay dadkii aqoonta iyo caqliga lahaa ka daaheen guurka, waxay yareeyeen dhalmada, waxayna aqoontooda, maskaxdooda iyo waqtigooda galiyeen cilmibaarisyo ku saabsan sida bidaarta loo beero, sida la isu cayiliyo ama la isu caateeyo iyo sida loo xoojiyo xubinta taranka ee ragga. Dhanka kale, dadkii garashadaxumaa iyo kuwii aan waxbaran ayaa u dhalaya sidii digaagga. Sababtaas ayayna dadkii cilmiga iyo maskaxda lahaa ugu yaraanayaan dadweynaha, waxaana ku badanaya dad waxmagarato ah. Waxaa baahaya dabbaalnimada, waxaana lala dagaalayaa caqliga.
Waddooyinka Mareykanka waxay buuxinaya qashin iyo bullaacado. Buur qashinqub ah oo soo daadatay ayaa qaadaysa sanduuqyadii ay ku jireen Joe iyo Rita. Sanduuqii Joe wuxuu daaqadda uga galayaa nin dabbaal ah oo filin daawanaya. Joe sanduuqii ayuu iska furayaa, wuxuuna ninkii ka codsanayaa in uu caawiyo, balse ninkii wuxuu ka racdaynayaa guriga. Joe wuxuu soo dhex galayaa Washington, wuxuuna arkayaa dad doqomo ah oo ay dhaqanxumadu caado u tahay, kuna wada hadlaya luqad ciyaalsuuq oo uusan fahmi karin. Joe oo suuxsanaa 500 oo sano, balse malaynaya in uu hal sano kaliya hawada ka maqnaa ayaa isaga shakinayaa in uu xanuunsan yahay, wuxuuna tagayaa isbitaal.
Qof kasta oo isbitaalka joogo waxaa gacanta uga shaabadaysan astaan qaran. Joe waxaa la dhigayaa xabsi maadaama uusan gacanta ka calaamadaysnayn. Wuxuu ka baxsanayaa xabsiga, waxaana laga qaadayaa IQ test, wuxuuna noqonayaa qofka Mareykanka ugu caqliga badan. Joe waxaa la gaynayaa Aqal Cad ee Mareykanka, waxaana loo magacaabayaa Wasiirka Arrimaha Gudaha maadaama uu caaqil yahay. Madaxweynaha Mareykanka oo ah nin dabbaal ah ayaa Joe baraya golaha Wasiirrada. Madaxduna waa doqommo iska baashaalaya.
Joe oo ka naxsan dabbaalnimada dadka uu la shaqayn doono ayaa la farayaa in uu asbuuc ku xalliyo musiibo Mareykanka heysato. Waa dhaqaalaha oo dhulka galay, cunnada oo gabaabsi ah iyo dabaylo boor wato oo dalka ka kacay. Joe wuxuu ogaanayaa in dadkaan ay beeraha ku waraabiyaan Brawndo oo ah cabitaan mushakal ah, sababtaasna ay beerihii u qalaleen, kadibna ay uga kaceen dabaylaha boorka wato. Sidaasna ay cunnadii gabaabsi u noqotay, ayna sababtay in dhaqaaluhu hoos u dhaco. Joe wuxuu waraabka beeraha ku bedelayaa biyo. Waxaa sidaas suuqa uga baxaysa shirkaddii soosaari jirtay cabitaanka Brawndo, waxaana shaqo la'aan noqonaya malaayiin qof oo ka shaqaynaysay, waxayna dhigayaan mudaaharaadyo rabshado wato oo ay uga soo horjeedaan qorshaha Joe.
Joe waxaa lagu xukumayaa dil, waxaase la soo daynayaa markii la arko in ay beerihii miradhaleen. Waxaa loo dooranayaa Madaxweynaha Maraykanka, wuxuuna guursanayaa Rita. Waxay isu dhalayaan saddexda cunug ee caalamka ugu caqliga badan. Halka Madaxweyne-ku-xigeenka oo dabbaal ah uu qabo siddeed naag, waxayna u dhalayaan 32 cunug ah oo noqonaya carruurta dunida ugu dabbaalsan.
Waa nuxurka filinka Idiocracy oo uu Mike Judge soosaaray 2006. Farriinta uu filinku dirayo waa in haddii ay dadka caqliga iyo aqoonta leh ay gudan waayaan waajibka ka saaran dalkooda, aysanna soosaarin carruur bedeli karta oo sidii iyaga u caqli badan, ay dadka waxmagaratada ah carruur dabbaalo ah u dhalayaan sidii digaagga, ayna qabsan doonaan hoggaanka dalka, sidaasna ay ku xoogaysanayaan kuwii doqonta ahaa, ayna u samaysmayso bulsho wada dabbaalo ah.
![]() |
Aad ayaan u xiiseeya Aflaanta Xogaha cajiib ka ah xambaarsan Waxbadan ayaan ka bogtay qormadadaan
ReplyDeleteThnks more
Aad ayaan u xiiseeya Aflaanta Xogaha cajiib ka ah xambaarsan Waxbadan ayaan ka bogtay qormadadaan
ReplyDeleteThnks more
Cajiib, waxan bartay sida flim markad firsado ey muhiim u thy inad note ka sameysato.
ReplyDeleteMahadsanid Ustad Hussein Sabrie