Skip to main content

Digsiga karka kuleyl ayaa ka keenay!

Waxaan daawaday wareysi uu wariye Ayaanle Xuseen Cabdi todobaadkii hore ka qaaday Dr. Daahir Mire Jibriil, oo uu uga sheekeeyay dhacdo xanuun badan oo noloshiisa bedeshay. Sida uu sheegay; sanadku waa 1978, Daahir Mire waa arday 22 jir ah oo dhigta kulyaddii Lafoole. Siyaasadda iyo xaaladda dalka waxba kalama socdo, wuxuuna kubadda Kolayga u ciyaaraa kooxdii Lafoole.

Oktoobar 1978 waxaa toogasho lagu xukumay saraakiishii ka dambaysay inqilaabkii dhicisoobay. Sargaal kasta waxaa la faray in uu u yeerto hal qof oo ehelkiisa ka mid ah, si uu ula dardaarmo. Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan Macallin Bashiir oo uu dhalay Daahir Mire Jibriil abtigiis, sidoo kalena ahaa saaxiib ay isla soo koreen. 

Cabdiraxmaan wuxuu codsaday in loo keeno saaxiibkiis Daahir Mire. Galab ayaa Daahir laga soo qaaday Lafoole, waxaana la geeyay xabsigii Biyamuundo ee degmada Xamarjajab.

"Qol cidlo ah ayay i geeyeen. Askari ayaana gadaashayda taagan. Waxaa ii soo galay Cabdiraxmaan Macallin Bashiir oo garan iyo macawiis xiran. Horteyda ayuu soo istaagay. Garankii ayuu kor u qaaday. Labada naas waa laga gooyay oo carun ayaa ka da’ayay. Xuddunta agteeda duleel weyn ayaa uga yaallay oo muruq caloosha ah ayaa go'naa, waxaadna moodaysaa in uu bahal ka qaniinay. Macawiistiisa ayuu kor u qaaday. Lugtiisa muruq ayaa ka go’naa. Gacmihiisuna way gariirayeen. Farihiisa ayuu i tusay, oo cidiyaha gacmaha iyo lugaha oo dhan way ka baxsan yihiin, oo carun ayaa ka dareerayay. 

Cabduraxmaan oo indhihiisa ilmadu ka dareerayso ayuu igu yiri "Waxaan kuugu yeeray in aad aragto waxa la igu sameeyay! Labo beri kadibna waa nala tooganayaa!" Kadibna isagoo aan hadal kale i dhihin ayuu iga dhaqaaqay. Aniga miirkii ayaa iga tegay. Maalinkii labaad ayaana soo miirsaday anigoo Lafoole joogo, labo maalin kadibna waa la toogtay saaxiibkey Cabdiraxmaan."

Sida uu wariyay, Cabdiraxmaan wuxuu ka seexan waayay sawirkii uu arkay iyo hadalkii uu Cabdiraxmaan ku yiri, wuxuuna go'aansaday in uu jabhadeeyo. Sababtaas ayuu dalka uga cararay, wuxuuna isagoo 23 jir ah ka mid noqday hoggaankii SSDF oo uu ka noqday masuulka ugu da'da yar. Halgan dheer kadib waxay qabsadeen Puntland, wuxuuna ka mid noqday aasaaska maamulka Puntland. 

Kadib, ayuu Daahir Mire Jibriil wuxuu waxbarashadii ay jabhadnimadu ka kala goysay ka sii watay Mareykanka, wuxuuna Bachelor, Master iyo PhD ka qaatay jaamacadda California oo uu ka bartay xallinta khilaafaadka.

Wareysi uu June 2020 siiyay Saab TV ayuu Dr. Daahir Mire Jibriil oo ilmayana ku sheegay in uu mar kasta ku qarwo muuqaalkii walaalkiis iyo saaxiibkiis Cabdiraxmaan Macallin Bashiir, iyo hadalkiisii ahaa "Waxaan kuugu yeeray in aad aragto waxa la igu sameeyay. Labo beri kadibna waa nala tooganayaa!"

Waa hal dhacdo oo tusaale u ah tacaddiyadii uu Kacaanku ku kacay, ee sababay in ay shacabku kacaan. Digsiga karka kuleyl ayaa ka keenay. Daahir isagoo arday ah oo aan siyaasad shaqo ku laheyn ayuu arkay dulmigaas oo ku qasbay in uu duurka ku jabhadeeyo. Ilaa iyo maantana wuxuu ku qarwayaa saskii uu dhacdadaas ka qaaday 40 sano kahor.

Saaxiibkey Muxsin Cabdisalaam oo ila soo hadlay markii uu qoraalkan Facebook ku arkay ayaa igu yiri “Ninka uu Kacaanku sidaas u galay waa abtigey laxmi ah oo la dhashay hooyadey Fartuun Macallin Bashiir. Eebbe ha uga aargudo cadawgii sidaas u cadaabay. Abti Daahir Mirena Ilaahey ka sokow, dadkii ka danbeeyay nabada aan maanta Puntland ku ladayno ayuu ka mid yahay”


Comments

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...