Xusuustayda kama go’do dhacdo ay Maryan Mursal uga warrantay wareysi uu Cumar Seerbiya 2017 uga qaaday Goobjoog. Waxay ka sheekeysay duruuftii soo wajahday markii todobaatameeyadii la dulmiyay ee laga ceyriyay Kooxdii Waaberi ee mushaarka laga jartay, iyo abaal uu waagaas u galay Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo markaas ahaa Duqa magaalada Muqdisho.
“Qofkii ugu horreeyay ee niyadda ii dhisay wuxuu ahaa Xasan Abshir. Waa ninkii shatiga taksiga i siiyay. Inta ku ooyay ayaan ku iri: walaalow tacliin ma lihi, shaqadiina waa la iga soo saaray, darawal taksi in aan noqdo ayaan rabaa ee shati i sii. Berri ii imoow ayuu i dhahay, wuuna i siiyay. Qalbigayga waligay kama go'ayso. Haddii uusan waagaas niyadda ii dhisi laheyn, qalbiga ayaa iga jabi lahaa. Xasan Abshir Ilaahey Jannadii ha geeyo. Hortiisa Alle kheyr ha dhigo, gadaashiisana kheyr ha dhigo. Ninkaas waligay ma illoobaayo." Maryan Mursal
Xasan Abshir wuu noolaa maalinkaas ay Maryan Mursal sida dareenka leh uga mahadcelinaysay abaal uu u galay 45 sano kahor. Mana u maleynayo in uu xusuusanayay taariikhdaas ay Maryan ka sheekeynayso.
Dad badan oo maanta duruuf adag ku jira ayaa in ay nolol fiican helaan waxay uga xiran tahay wax adiga kuu fudud oo aan waqti, juhdi iyo qarash badan kaaga baahneyn. Wax badan oo aan adiga wax kaa dhibeyn ayaa qof kale u tari kara wax weyn, ee ku cibaadayso in aad garab iyo gacal u noqoto dadka kuu baahan.
Nabi Muxamed ﷺ wuxuu yiri: Alle dadka wuxuu ugu jecel yahay qofka dadka kale u waxtar badan; ee qof kurbaysan ka farxina ama mid qaamaysan deynta ka bixinayo ama dharjinaya mid gaajaysan.
Comments
Post a Comment
Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.