Skip to main content

Is bar cilmiga siyaasadda macallin la’aan!

Madaxweynihii hore ee dalka Masar, Xusni Mubaarak ayaa 2006 wuxuu xabsiga dhigay Maxamed Mursi, Mursina markii uu Madaxweyne noqday ayuu xiray Xusni Mubaarak, wuxuuna Wasiirka Difaaca u magacaabay Cabdifitaax Al-siisii. Markii uu Siisii afgambiga ku qabsaday Masar wuxuu xiray Mursi, wuxuuna xabsiga ka soo daayay Xusni Mubaarak.

Dowladda Iiraan waxay xulufo la tahay Bashaar Al-Asad, Bashaarna waxay is diiddan yihiin Ikhwaanul Muslimiin. Iiraan waxay is fahamsan yihiin Xamaas, Xamaasna waxay saaxiibbo yihiin Ikhwaanka, Ikhwaankana isma arki karaan Iiraan.

Dowladaha Khaliijku waxay ku kacsan yihiin Iiraan, Siisii oo saaxiib la ah Khaliijka wuxuu la dagaashan yahay Ikhwaanka, wuxuuna saaxiib la yahay Bashaar, Bashaarna waxay is diiddan yihiin Khaliijka oo saaxiib la ah Turkiga, Turkiyana waxay col yihiin Bashaar iyo Siisii, waxayna saaxiib la tahay Ikhwaanul Muslimiin.

Khaliijka waxay isfahamsan yihiin Mareykanka, Mareykankuna wuxuusan arki karin Ikhwaanka, Ikhwaankana waxay saaxiib yihiin Xamaas, Xamaasna waxaysan maqli karin Mareykan, Mareykankana waxay col yihiin Ruushka, Ruushkana wuxuu saaxiib la yahay Bashaar, Mareykankuna wuxuu ku kacsan yahay Bashaar oo xulufo la ah Ruushka.

Soomaaliya waxay weligeed cadawtooyo kala dhexeysay Itoobiya. Itoobiyana waxaysan is arki karin ONLF oo ay argagixiso u aqoonsatay. Soomaaliya waxay Sargaal ka tirsan ONLF u dhiibtay Itoobiya, waxayna argagixiso u aqoonsatay ONLF. Itoobiyana waxay la heshiisay ONLF oo Itoobiya ka noqotay xisbi siyaasadeed, balse waxay weli liiska argagixisada ugu jirtaa Soomaaliya oo ula dagaashay Itoobiyii la heshiisay darteed.

Agoosto 2019, Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Wasiirkii Amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo ay ku eedeysay in uu shacab ku xaquuqay gobolka Gedo. Jan 2020, Cabdirashiid Janan ayaa ka baxsaday xabsiga, waxayna Dowladdu sheegtay in ay ku raadjoogto. Janan wuxuu hadda ka soo goostay Jubbaland, wuxuuna u soo wareegay Dowladdii uu ka baxsaday ee sheegtay in ay raadjoogto, oo uu galay dambiyo dagaal.

Sirta ka dambaysa dhacdooyinkan haddii aad fahmi karto waxaad tahay siyaasi farta ka xiran ee keep going. Haddii aad aqrinta qoraalkan ku wareertayna siyaasad shaqo kuma lihid ee Bakaaro gal, saaxiib.




Comments

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...