Waxaan daawaday wareysi uu wariyihii hore ee BBC-da Ayaanle Xuseen Cabdi ka qaaday Amal Maxamed Maxamuud oo ah gabar uu naafeeyay askari ay kalatageen oo ka mid ah ilaalada Madaxtooyada. Saaxiibkey Bashiir Maxmud oo wareysigaan ii soo diray wuxuu ii soo raaciyay "Gabadhaan sheekadeeda in aan daawado waan ka shallaayey. Caddaalad aan midda Alle ahayn laguma naaxo."
Amal hadda waa 19 jir. Iyada oo 15 sano jir ah ayaa waxaa guursaday askari ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo ay hal wiil u dhashay. Sanad kadib ayuu furay, kadibna wuxuu ka dalbaday in ay isku laabtaan, wayna ka diidday.
“Wiilkii oo iga xanuunsaday oo naqasku ku dhegay ayaan la galay isbitaalka SOS. Saddex maalin kadib ayaan wacay, waxaana u sheegay xaalka wiilka. Wuxuuna igu dhahay: cunugga aniga ayaad iga qarsatay ee ii keen aan kuugu tufee. Madaxtooyada ayaan ugu geeyay, wuuna igala cararay. Taliyayaal meesha joogay ayaan u sheegay, waana la iiga qaaday. Markii aan soo baxayay ayuu i dhahay bajaaj ayaan ku saaraa. Markii uu laamiga i keenay ayuu qoray igu qabtay, wuxuuna igu dhahay: dhig cunugga ama madaxaada ayaa u maqan. Cunuggii waan uga tegay, maxkamad ayaana ka dacweeyay. Labo maalin kadib ayaa maxkamaddii wiilkii i soo siisay, isagana xabsigii waa laga sii daayay. Habeenkii ayuu i soo wacay, wuuna ii dhaartay.
Soonkii ayuu ila soo hadlay, wuxuuna i dhahay: cunugga dhar ciid ayaan kuugu gadaa ee iga soo doono. Meeshii aan ku balansaneyn ayaan gaari caasi ah u raacay. Waxaan arkay isagoo caasiga ila saaran oo fadhiyo kursiga iga horreeyo. Wuu isalaamay, waana ka qaaday. Anigoo taleefan ku hadlaya ayaan arkay isaga oo qoray wadnaha iiga qabtay, waana kula dhegay. Baaskii uu igu furay ayaana lugta iiga dhacay oo jilibka igala baxay. Isbitaalka Keysaney oo aan saddex bil ku jiray ayaa la i geeyay, isagana waa la xiray, kadibna waxaa waalidku igu qasbay in aan saxiixo warqad lagu deynayay, raallina kama aheyn in xabsiga laga sii daayo.
Star TV oo wareysi iga qaaday waxay ii sheegeen in Madaxtooyada lagala soo hadlay oo loo qabsaday sababta ay muuqaalkaas u baahiyeen.
Amal dalka wax waa looga qaban waayay, iyadoo naafo ah oo kursi lagu riixayo ayaana Feb 18, 2020 loo qaaday dalka Turkiya, waxayna gashay 7 qalliin.
Wareysi laga qaaday ayay iyadoo ilmeyneysa ku tiri "Meesha uu ka shaqeynayo waa meesha ay madaxda dhan joogto. Maanta isagu magaaladiisa ayuu wareegaa, aniguna sariir ayaan saaranahay, cunuggeygiina dad ayaa ii haayo, xitaa wuu ii quuri waayay in uu i soo dhaho: Amaley iska key cafi.”
ðŸ˜ðŸ˜ðŸ˜Allah cafiyo walshen wlhi wa wx laga xumado iney cadald heli weyday
ReplyDeleteIlahy ha caafiyo walshen Asgana sharciga soo qaban doono insh allah this is not fairðŸ˜
ReplyDeleteXanuun badanza
ReplyDeleteWlhi wa dhibaato in mooryaan uu wali awood ku leeyahay wadankeenna.
ReplyDeleteCadaaladda Alle wey dhakan ee ma dhiman, lkn in dumar iska daciif ah hub loo adeegsado aqasnimo ka xun hore looma sameyn