Koofurta Soomaaliya waxaa ka socdo mashruuc waqooyiyeyn ah, oo waxaan arkaa dhalinyaro Muqdisho joogto oo markii ay hadlayaan ama wax qorayaan iska riixaya lahjadda reer waqooyiga. Haddii aan sababta waydiiyayna waxay dhaheen: dee waa kaa af Soomaliga birimmada ah, keennuna waa sugunto!
Maanta waxaan arkayay mid reer Xararyaalle ah oo Facebook ku soo qoray: “Meheradda Hiddasoor baan saaka tegay. Bilaydh muqmad iyo laxoox ah iyo shaah xawaash lagu daray baan kaga soo quraacday. Dee waa meherad wanaagsan oo dhawaan la furay, mudalabyo fiicanina way joogaan baan odhan karaa. Shaaheeduna waa Dhakojabiye dhadhan leh." Dadkii ka faallooday iyo isagu waa isku wareereen, oo mid ayaa ku lahaa: tolow Cumar ciwaanka ma laga jabsaday? Mid kale ayaa ugu jawaabay: mayee afka ayaa laga jabsaday!
Maalin horena mid waayahaan reer waqooyiga dhaajinayay ayaa u tegay oday isgoyska Siinaay rooti ku iibinaya. Wuxuuna ku yiri: jaalle, laba xabbadood oo aabbahaa-dabada-ka-gali ah iga iibi? Odaygii ayaa ku yiri: maandhow xaad tiri? Ku celi bal. Isla hadalkii ayuu ku celiyay. Odaygii bakoorad ayuu wiilkii madaxa uga bajiyay. Kadibna farmashiye ayaa loola cararay.
Odaygii kama harin ee isagoo ciil la furuuryoqaniinaya ayuu iridda farmashiyaha yarkii u istaagay. Markii sababta uu wiilka u dilay la waydiiyayna wuxuu yiri: bal igaarka ii warsada sababta uu u caayay adoogey oo 50 sano mowtan? Cunuggii oo shan qodob laga soo tolay ayaa la warsaday. Markaas ayuu sheegay in rootiga dhuudhuuban waqooyiga looga yaqaanno aabbahaa-dabada-ka-gali, rootiga wareegsanna looga garanayo aabbahaa-dabada-kaga-dharbaax.
Walaalow adigoo ciyaal Xamar ah oo shanlo dhihi kara maxaa gadhfeedh kuu geeyay? Adigoo canjeero oran kara maxaa laxoox qoorta kuu geliyay? Adigoo si fudud qare u dhihi kara maxaa xabxab kaa keenay? Adigoo cariiri dhihi kara sidee u dhihi kartaa cidhiidhi? Adigoo qaraar u jeedana maxaa qadhaadh kuu geeyay?
Ixtiraam badan ayaan u hayaa lahjadda waqooyiga. Balse lahjad kasta waxay sharaf ku leedahay in dadkeedu ku hadlo. Afka aad ku hadasho waa kii ay hooyadaa ku bartay. Qofku wuu kaaga aqoon badnaan karaa af Soomaaliga, oo waad ka baran kartaa erayo cusub iyo afka deegaankiisa looga hadlo, si aad isu fahantaan. Balse yaan afkaada la jabsan oo haku qancin in lagaa dad, deegaan, luqad iyo hooyo fiican yahay, oo aad dad kale dhaajiso ee hadalkooda iska raaraadiso.
Wallee waan kula arkay dad badan oo qaladaad ku dhacay kadib markii ay isku qasbeen Af waqooyi.
ReplyDeletesxbkeey oo reer waqooyi iska dhigi raba ayaa hooyadii ku yiri "aayaa hee hooyo"
Hooyadii iyo wiilkii akhyaar ayaa kala maslaxday
Cajiiiiiiiiib, ustaad.
ReplyDelete