Sida uu daabacay wargayska Al-Riyaad ee ka soo baxa dalka Sacuudiga, haweeney Sacuudiyaan oo la xanuunsan kansarka dhiigga ku dhaca ayaa shirkad ka dalbatay gabar guriga uga shaqayso. Shirkaddii waxay u keentay gabar Indunuusiyaan ah. Gabadhii waxaa la keenay Sacuudiga, waxayna u shaqo billowday haweendyii.
Gabadhu waa qof hawlkar ah, balse ceebteedu waa in ay ku laalaabato musqusha, ayna ku soo daahdo. Haweeneydii ayaa gabadhii waydiisay sababta ay suulida ugu soo daahdo.
Gabadhii waxay ku jawaabtay "Anigoo uur leh ayaan shaqado ka dalbaday shirkadda ii kaa keentay. Shaqada oo aan sugayay 7 bil waxay ii soo baxday anigoo umul ah. Shaqada ma fasixi karin, waayo qosykaygu aniga ayuu igu tiirsan yahay. Sababtaas ayaana igu qasabtay in aan cunuggaygii ka soo tago oo aan shaqadaan soo aado. Maadaama aan irmaan ahay waxaa naasahayga ka buuxo caano, waxaana galaa musqusha si aan isaga liso. Marka aan isla lisayo waan ilmeeyaa, waayo waxaan ogahay baahida uu cunuggaygu u qabo caanahaas aan musqusha ku qubayo."
Haweenaydii ayaa ku tiri "Waan ku fasaxayaa, waxaana ku siinayaa mushaarka 24 bil, ee dalkaada ku laabo oo cunuggaada soo nuuji labo sano. Shaqadaaduna waa kuu diyaar oo waad ku soo laaban kartaa." Kadibna ticket ayay u soo jartay, waxayna siisay mushaarkii ay ka qaadan laheyd labo sano.
Haweeneyda oo asbuuc kasta aadi jirtay isbitaal, si loola socdo heerka uu marayo kansarka dhigiiggeeda ku faafaya ayaa u tagtay dhaqtarkeedii. Waa la baaray. In aysan kansar qabin ayay jawaabtii noqotay. Baaritaankii ayaa lagu celiyay, negative ayaana mar kale soo baxday.
Haweeneydii ayaa la waydiiyay waxa ay samaysay. Waxayna sheegtay in ay u nooleyd sidii ay u noolaan jirtay. Waxaa laga warsaday in uu jiro fal wanaagsan oo ay maalmahaan samaysay, waxayna ka sheekeysay ixsaankii ay u gashay islaantii shaqaalaha u aheyd.
Nabi Muxamed naxariis iyo nabadgalyo dushiisa ha ahaadaanee waxaa laga wariyay in uu yiri “Sadaqo ku daweeya dadkiinna xanuunsan.”
Masha'Allah what a beautiful story
ReplyDelete