Skip to main content

Waxay qabtaan inta ay awoodaan!

Bishii Nov, 2020 ayay abbaayo Caaisha Sabriye, iyo asxaabteeda Asma Ali Ahmed iyo Hussein Ali Hassan oo sanado badan isku fasal ahaa, sanadkii horena Dugsi Sare ka wada qalinjabiyay waxay ku fikireen in intii ay karaan ay waxbaraan dadka danyarta ah ee duruuftu u diidday waxbarashada.

Waxay tageen kaam ku yaalla Deyniile, oo qorshuhu ahaa in ay agagaarkiisa ka kireystaan qol ay carruurta kaamka wax ku baraan Khamiista iyo Jimcaha. Balse waxay ku soo arkeen xaalad nololeed oo waxbarasho uga sii daran. Waa dad aan cidna u maqneyn, ceelna u qodneyn oo aan heli karin wax ay cunaan. Waxay isla garteen in ay qorshaha waxbarashada dib u dhigaan oo ay hadda wax ka qabtaan baahida nololeed ee kaamka ka taagan.

Waxay soo qorteen dadkii ugu nuglaa oo isugu jiray cuuryaanno, indhoolayaal, waayeel gablan ah oo aan wax dhalin iyo carruur agoon ah. Waxay isku qanciyeen in aysan qarash u heli karin cunto ay danyartaas siiyaan maalin kasta, kadibna waxay u tageen qaar ka mid ah hoteellada iyo maqaayadaha Muqdisho. Waxay u sheegeen baahida jirto, waxayna ka codsadeen in ay siiyaan cuntada ka soo harta qadada, si ay dadkaas baahan ugu quudiyaan.

Maqaayadaha Xadramindi, Yaman-siciid, Nasiye Restaurant iyo Somali Hotel ayay galabkii u tagaan, waxayna ka qaadaan cuntadii aan laga iibsan ee qadada ka soo hartay. Qarash badan kama galo oo maalinkii waxaa ku baxdo $8 oo ah tirisboor iyo baarsalka cuntada loogu shubo, waxaana ka bixiyo qof ehelka ah.

Xuseen iyo Asma waxay ku mashquuleen waxbarasho dibadeed, waxaana hadda shaqada wado Caasho iyo Jamaal Sabrie. Galabta ayaan kaamka u raacay oo cunnada la soo qaybiyay, waxaana ku soo arkay carruur ku soo kala ordaysa markii ay muuqooda arkaan, oo ay wax kasta kala wayntahay in ay helaan cunno ay nafta ku ceshadaan.

Danyarta cidna uma maqna, ceelna uma qodna. Dowladdooda kaalmo ka helaan. Akhyaarey waxaan baraarujinayaa in laga warqabo oo qof kasta wixii uu awoodo ku kaalmeeyo dadka nugul ee nagu dhex nool.






Comments

  1. Qormo baraarug noogu filan. Jazaakallahu kheyran walaalkey Hussein. Waad ku mahadsanid sida aad noola wadaagtay xogtaan.
    Dhalinta horkarnimada iyo axsaanka utaagan ajar iyo xasanaad Allah kasiiyo.

    ReplyDelete
  2. Alle ha ka abaal mariyo aakhiro iyo adduunba, waxa ay qabteen shaqo ajarkeeda leh. Adna ku mahadsanid inaad nala wadaagtay.

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...