Skip to main content

Wiilka curashadiisa fool baa ka horreyso!

Anigu hooyadey ayaan caano la iibin jiray, marna hilib ayay qali jirtay, waxaana xubnaha hilibkaas u kala gayn jiray qoysas rukun nooga qaadan jiray. Subaxa Khamiista wuxuu arday kasta macallinka dugsiga ugu geyn jirnay kun shilin. Hooyadey ayaa igu tiri “Waxaan xusuustaa in aan marmar idiin waayi jiray kunkii shilin ee aad Khamiista macallinka u geyn lahaydeen!”

Saaxiibkey Bashiir Maxamuud oo noloshiisa iiga warramaya wuxuu igu yiri “Anigu waxaan iibin jiray lows. Hooyadey waxay igu tiri “maalinkii uu aabbahaa dhintay waxaa geeridiisa iiga sii xanuun badneyd oo aan ka walwalsanaa sidii aan ku keeni lahaa quudkii aan idinku korin lahaa”

“Waagii aan yaraa waxaan iibin jiray cajiin, ciyaalka xaafadda oo igu caynaya shaqadayda ayaana iigu yeeri jiray Xasan Cajiinle ” Xasan Cabdullaahi Maalin

“Anigoo dugsi Quraan dhiganaya ayaan hooyadey huudheey Bakaaro kula gadi jiray. Marna nin gaari-dameer cidaha biyaha ugu dhaamiyo ayaan la shaqeyn jiray” Xasan Aadan Hoosow

Xasan Kaafi oo faallo ka bixiyay qoraal aan xalay Facebook soo dhigay wuxuu igu yiri “10 sano ayaan caseeye ahaa, haddana waxaan Master of Aviation Management ka wadaa jaamacadda Arusha ee dalka Tanzaaniya. Guul baan u rajaynayaa caseeyaasha dhammaantood.”

“Gaari-dameer ayaan ku shaqeyn jiray anigoo dugsi hoose dhiganaya. Sakaraadkii aabbehey ayaan ku mashquulnay, oo gaari-dameerkii waan iska gadnay. Maalinkii aabbe dhintay subixii ku xigay ayaa nin qaraabada ah igu yiri “Aabbahaa waa la soo duugay ee yaa badar ka sugee maa shaqaysatid?” Isla maalinkaas ayaana shaqo ka billaabay xoolaqalka Gubta.” Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Wiilka curashadiisa fool ayaa ka horreyso. Dadka ugu dadnimada iyo dunta wanaagsan ee aan aqaanno waa dad duruuf iyo nolol adag ku soo koray. Waxay soo galeen halgan adag oo ay ku gaareen heerka ay maanta joogaan. Waxay ku raaxaystaan in ay ka sheekeeyaan halgankii ay soo mareen. Waana dad garasho leh oo fahmi kara duruufaha nolosha iyo dadka maanta taagan halkii ay shalay soo mareen.

Waa sheekooyin kufkuf iyo halgan ah oo mudan in qalin dahab ah lagu qoro, dadkana looga sheekeeyo.



Comments

  1. Ustaad aniga wali ma shaqeyn hal kun oo shilin oo dhididkeyga ah. Lkn waxa aan ahay arday jaamacad dhigta sanadkii 3aad marayaa. Waliba kuliyada medicine ka illaa heerkaan waxaa isoo gaarsiiyaya hooyo iyo aabe allaha ka abaal mariyo❤. Lkn waa jeclaan lahaay inaan maalin shaqeeya. Oo qoyskeyga kaalmo u noqdo. Shaqo waa shaqo, laakin wali ma arkin shaqo waqti gaaban la shaqeenaayo 3 saac ama 4 saac maalintii haddii aad aragto igu soo xor ama talo ii reeb. Mahadsanid😍

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Farriin ku socoto ardayda ka baxeysa dugsiga sare

Marka hore waxaan kuugu hambalyeynayaa safarka waxbarashada iskuulka ee maanta kuu soo idlaaday, waxaana kaaga rajeynayaa in aad ku guuleysato. Si ka duwan safarrada kale, safarka waxbarashadu wuxuu mar kasta ka billawdaa dhammaadka. Faanoole fari kama qodna e, waxaa hadda kuu billaabanaya safar kale oo kaa dalbanaya halgan iyo dadaal badan. Waa safar go'aamin doona qofka aad noqon doonto, nolosha aad mustaqbalkaada ku qaadan doonto iyo kaalinta aad bulshada ku dhex lahaan doonto. Si safarkaasi u guuleysto, waxaan kula gudboon in aad barato naftaada iyo waxa ay ku fiican tahay, kadibna aad xulato takhasus kugu habboon oo aad jeceshahay, aadna leedahay shakhsiyadda iyo kartida uu dalbanayo, suuqana ku leh fursad fiican. Tobaneeye sano kahor oo dalku burbursanaa, dadkuna dhiigbaxayay waxaan baahi badan u qabnay dad xaaladdaas la falgala, waana sababta ay ardaydeennu u barteen caafimaad iyo Injineerin, waayo waxaan u baahneyn dhaqtar dadka daweeya, iyo injineer dalka noo dhisa. Nas...