Skip to main content

Wuxuu u falay iyo waxay ku fashay kala fogaa!

"Xaaskeyga waxaan guursaday 2016kii iyadoo ka shaqeyneysa Wasaaradda Maaliyadda. Waxay ii sheegtay in ay Dowladda u shaqo billaawday iyadoo jaamacad dhiganeysa, sidaas darteedna lagu diiwaangeliyay shahaado Dugsi Sare ah(Grade B)oo ay mushaar ahaan u qaadato $430 oo aysan joogto u helin.


Mushaarkeeda waxay ku biili jirtay ehelkeeda, wax kasta oo ay rabto ama guriga looga baahdo aniga ayaa iibin jiray xitaa haddii uu xafaayad yahay.


Markii uu noo dhashay cunuggii labaad ayay iga dalbatay in aan gaari u iibiyo. Markaas shiid ayaan ahaa, waxaana ka codsaday in ay i sugto. Way iga diidday, Waxayna igu tiri "Aniga ayaa hadda lacag hayo, ee keen wixii aad hadda heli karto, wixii aan ku darana ii soo celi markii aad lacag hesho"


Iyada ayaan lacag ka deynsaday si aan iyada gaari ugu iibiyo! Saddex bilood kama nasan oo subax kasta waxay i waydiinaysay in aan u gudo lacagtii gaariga. Ugu dambeynna deyntii waan siiyay.


Habeen ayaan Laptop-keyga shiday, waxaana arkay emailkeeda oo furan. Waxaa ishayda ku dhacay email uu ciwaankiisu ahaa "Mushaarkii Jannaayo" waan furay, waxaana halkaas ka ogaaday in ay Wasaaradda Maaliyadda ka tahay lataliye dhanka dhaqaalaha ah oo mushaarkeedu yahay $6,500 oo uu bixiyo World Bank, waxayna ii sheegi jirtay in ay qaadato $430!


Habeenkaas ma seexan. Waan xanaaqay, haddana waan is dajiyay. Lacagta ay qaadato kama walwalin, ee waxaan iswaydiiyay halka ay ku bixiso $6,500 iyo sababta ay iiga qarisay. 


In aan moobeelkeeda baaro ayaan ku fikiray. Waan ogahay oo sidaasi sax ma aheyn, balse waxay ahayd sida kaliya ee aan xog ku heli karay. Moobeelkeeda ayaan furay, Whatsappka ayaan galay, waxaan fiiriyay farriimaha dhexmaray iyada iyo saaxiibteed, Fartuun. Waxba kama helin.


Waxaan furay farriimaha ay is dhaafsadeen aabbaheed Cali, halkaas ayaana ka ogaaday in ay dhul ka gadatay xaafadda Oodweyne, haddana uu ka socdo dhismo uu aabbaheed masuul ka yahay. Waxaan arkay sawirrada marxaladaha dhismaha gurigu soo maray oo uu u soo diray. Waxaana aqriyay farriin uu aabbaheed ku dhahayo "Sacdiya, Aabbe ku mahadsanid sida aad u caawisay aboowe Axmed. Baagamuuddo ayuu ahaan lahaa adiga la'aantaa."


Qoraalladii ay walaalkeed isu direen ayaan eegay. Waxayba dhowaan u iibisay gaari Premio ah oo uu Rikaab ahaan ugu shaqeysto.


Si hagar la'aanta ah ayaan u caawin jiray xaaskeyga. Guriga aan gadannay iyada magaceeda ayaan ku qoray, gaariga ay wadatana aniga ayaa ugu iibiyay deyn aan iyada ka qaaday, waayo waxaan aaminsanaa in aysan waxba noo kala soocneyn, oo waxeygu ay waxeeda yihiin.


Subixii waxay dareentay in ay wax qaldan yihiin. Waxay i waydiisay: maxaa kugu dhacay? Waxaan ku iri: waan kugu sirmay ee barasho wanaagsan, Sacdiyo. Waxay tiri: oo maxaan sameeyay? Waxaana ugu jawaabay: waxaad gadatay dhul, waad dhistay, waana iga qarisay. 


Waa yaabtay. Waxay igu tiri: yaa kuu sheegay? waxaana ugu jawaabay: Aabbahaa ayaa ii warramay. Afka ayay gacanta saartay, wayna iga tagtay. Wax yar ka dib waxay ii keentay taleefankeeda oo sameecaddu u furan tahay, waxaa qadka ku jiro aabbaheed. Isagoo xanaaqsan ayuu igu yiri: adeer xaad ii nabee ma aniga ayaa kugu iri gabadheyda ayaa guri dhisaneysa? Halkee kugu iri? Goorma ayaanse ku iri? Waxaan ugu jawaabay: adeer been miyaa in gabadhaadu guri ka dhisaneyso Oodweyne, oo adigu masuul ka tahay? Wuxuu igu dhahay: yaa kuu sheegay? Waxaana ku iri: xalay ayaan farriimihiinna aqriyay. Ee adeerow nin ayaad tahay ee ma jeclaan laheyd in xaaskaadu ay sidaas ku yeesho?


Odaygii waa is ceebsaday, wuuna i raalligeliyay. Gabadhii afka ayaa juuqda gebay. Markii uu taleefanka ka baxay ayaan u sheegay in aan wax kasta ogahay, guriga ilaa gaariga ay walaalkeed u iibisay. Waxaana ku iri: xaasidsanidaa! Adiga ayaa iga mushaar badan oo waa ogtahay in aan qaato $850. Wax kaleba iska dhaafe xafaayadda xitaa aniga ayaad i soo waydiin jirtay. Gaari ayaana kuugu gaday deyn aan adiga kaa qaaday! Barasho wanaagsan.


Kalsoonidii way luntay. Jaceylkiina wuu burburay. Saddex maalin ka dib waxaa raalligelin iigu yimid hooyadeed, aabbaheed iyo walaalkeed, waana ka aqbalay. Jannaayo ayay sidaas dhacday, balse Feberaayo iyo Maarso kun shilin ima soo waydiin. Sidaasna kuma soo ka soo celin karto kalsoonidii luntay. 


Maalin hore waxay igu tiri: haddii aad ku qanceysid, dhulka magacaada ayaan ku qorayaa. Waxaan ugu jawaabay: maya. Waa hantidaada. Balse waan xarraashayaa dhulkii aan noo iibiyay ee aan magacaada ku qoray iyo gaarigii aan kuugu iibiyay lacagta aan adiga kaa deynsaday. Waxayna iigu jawaabtay: dhulka iibi, balse aniga ayaa kuu celinaya lacagtii gaariga. Waxay i waydiisay in aan furayo, waxaana u sheegay in uusan furriin ii qorsheysneyn, balse uu afka iga saaran yahay haddii ay iga dalbato.” 


Gabadhu masuul kama aha biilka guriga, mana ku qaldana in ay qoyskeeda dhaqaaleyso, balse waa doqonnimo in ay been iyo khiyaano u quurto ninkeedii iyada wax kasta u hurayay ee aaminay in wixiisu ay waxeeda yihiin, ee dhulkiisa ku qoray magaceeda, gaarina ugu gaday lacag uu iyada ka deynsaday. Kalsoonida in la helo way adag tahay, in la lumiyana way sahlan tahay. Waa muraayad aan la kabi karin haddii ay jabto. Gurigu kuma dhisnaan karo tuhun iyo kala shaki ee ka taxadar wax kasta oo dhaawici kara kalsoonidiinna. Sheekadaan waxaa shakarasquare.com ku daabacay nin u dhashay dalka Chana oo magaciisa qariyay, wax badan ayaanse ka bedelay si aan waaqiceenna ugu ekeysiiyo.



Comments

  1. Waan jeclahay qoraalada Sidan oo kale ah masha allah.
    Lkn marka laga hadlo siyasada somaliya lana kalataageero kuwa dalka dalka isku haysta rabana inay gataan waan necebahay in an arko ruux taageeraya

    ReplyDelete
  2. Maasha alaah waa maqaal fiican.waxaan wataa hal codsi walaal qoraalka luqada soomaaliga fadlan si sax ah u soo qor weliba garammerka si aqriyaha u gu fududaato aqriska iyo fahanka. Shukran

    ReplyDelete
  3. War qormadaan waa macaan tahay xaqiiqdii khiyaanada marnaba ma fiicna nolasha hanti in la haysto maahan ee waa qanaacada iyo kalsoonida dadka u dhaxaysa cajiib

    ReplyDelete

Post a Comment

Fadlan wixii faallo ah halkaan iigu reeb. Mahadsanid.

Popular posts from this blog

Safarkii aan ku soo maray caalamka iyo waxyaabihii cajiibka ahaa ee aan ku soo arkay!

Nin aan dhul marin dhaayo ma laha e, balwaddeydu waa safarka iyo dalxiiska. Sidii Ibnu-Baduudah ayaan ku soo wareegay shanta qaaradood ee caalamka. Waxaan tegay magaalooyinka dunida ugu caansan, waxaana la soo noolaaday xadaaradaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, waana sababta igu riixeysa in aan qormadaan kugula wadaago waxyaabihii iigu cajiibsanaa ee aan soo arkay. Waxaan ka duulay Muqdisho, waxaana tegay magaalada Kigaali ee dalka Rwanda. Markii aad eegto horumarka iyo muuqaalka Kigaali, caqligaadu wuu diidayaa in ay labaatan sano ka hor ku jireen dagaalla-sokeeye, ayna saddex bil gudahood isaga dileen dad ku dhow hal milyan. Rwanda waxay tusaale nool u tahay in uu dal walba ka soo kaban karo dhibaato kaste, haddii uu helo hoggaan fiican. Waxaan booqday magaalada Al-Aqsar(Luxor) ee dalka Masar oo aheed caasimaddii Boqortooyadii Fircooniga. Magaalada waxaa weli ku dambeeya raadkii Fircooniyiinta, oo ku xusuusinaya Fircoon oo Rabbinimo sheeganaya, Nabi Muuse oo uga digaya, i...

Banka Carafo

Waa duhur Sabti ah oo ay cadceeddu Carafo dul taagan tahay. Xujeey ka badan hal milyan iyo bar ayaa maanta taagan banka Carafo, oo 23KM dhanka bari uga beegan magaalada barakeysan ee Makka. Saakay ayay halkan u soo jarmaadeen. Daafadaha dunida ayay ka kala yimideen, si ay u gutaan tiirka 5ᵃᵃᵈ ee Arkaanta Islaamka ee Xajka. Waayeel uu sanadkan xajku ugu horreeyo oo sidaas riyadiisii ugu rumowday ayaa ku badan. Fursad dahabi ah oo marla'arag ah ayay maanta haystaan. Farxad ay la wada ilmaynayaan ayaana laga dheehan karaa wajiyadooda. Daqiiqado ka hor yay ka soo gaddoomeen Masjidka Carafo ee Namirah oo uu Sheekh Maahir Al-Muciiqili ugu jeediyay khudbada, oo loogu tarjumayay 20 luqadood, kuna tujiyay salaadaha duhurka iyo casirka oo ay soo gaabiyeen. Alle deeqsi ah oo naxariis iyo dambidhaaf badan ayay marti iyo magan u yihiin. Gacmaha ayay kor u wada taagayaan. Waji iyo qalbi khushuucsan ayay Alle ku baryayaan. Ruuxdooda iyo qalbiyadooda ayaa duceynaya inta uusan afkoodu duceynin. Wax...

Halgan Miradhalay!

Waxaan ku dhashay kuna soo barbaaray magaalada Dhuusamarreeb. Waxaan ka dhashay qoys danyar ah. Anigoo 10 jir ah ayaan soo galay Muqdisho, si aan u kaalmeeyo hooyadey oo agoonnimo nagu korinaysay. Waxaan shaqo ka billaabay in aan baabuurta dhaqo. Waxaa ii xigtay in aan darawal ka noqday gaari bas ah, oo aan taksiile uga sii dallacay. Kaddibna waxaan darawal u noqday maareeyihii Warshaddii Sifeynta Batroolka.  Horraantii 1990kii ayaan go'aansaday in aan dalka ka baxo oo aan Yurub u baadigoobo nolol fiican. Waxaan tikit u jartay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, oo aan Finland uga sii tallaabayay. Lacag oo dhan waxaan haystay intii aan tikitka ku jartay. Waxaana $50 ku iibiyay sariirtii aan ku jiifan jiray, si aan jiscin uga sii dhigto.  Waxaan ka degay Moskow oo uu qabow daran ka jiray. Dhallinyaro muqallasiin ah ayaan la kulmay. Waxaan u sheegay reerka aan ahay, waxaana ka codsaday in ay dadkeyga igu raadiyaan. Labo nin ayay ii geeyeen. Si qurux badan ayay ii soo dhoweeyeen. ...