Lauren Booth waa wariye Biritish ah oo u dhaqdhaqaaqda xuquuqul-insaanka. Waxay isla dhasheen xaaska Raysulwasaarihii hore ee Ingiriiska, Tony Blair. Wariye Lauren waxay si adag u diiddaneyd duullaankii uu Mareykanku ku qaaday dalka Ciraaq 2003dii, waxayna taageere weyn u tahay qadiyadda Falasdiin.
Lauren Booth oo ka sheekeyneysa sidii ay u soo islaamtay ayaa waxay tiri:
“Waxaan safar shaqo ku tegay Falasdiin. Waxaan la kulmay dad danyar ah oo ku hoos nool gumeysiga Yuhuudda. Hooyooyin gablan ah oo carruurtoodii la dilay ama la xiray, iyo dad ay gantaallada Yuhuuddu cuuryaamiyeen ayaan ku soo arkay. Isma dhiibin oo nolosha kama quusan dadkaas silaca ku nool ee lagu sameeyay wax kasta oo rajabeel ka dhigi lahaa, oo waaba dad aniga iga farxad badan.
Waxa ugu badan ee aan guryaha reer Falasdiin ku soo arkay waa kutubka Quraanka. Waxaan waydiiyay waxtarkiisa, waxayna ii sheegeen in uu kutubkaani barayo dhaqammada wanaagsan. Waxaan soo xurmaysatay kutubka Quraanka. Waan kala furay. Waan ogaa in aanan insaan fiican aheyn, bog kastana wuxuu ii sheegayay in aan dambiile ahay, oo uusan Alle raalli iga aheyn.
Anigoo joogo magaalada Raamallah oo dhaxan la qarqaraya waxaa i aragtay haweeney waayeel ah. Waxay igu tiri: na keen aan dhaxanta ka xaroonnee. Waxay i gaysay gurigeeda. Sida ay ugu faraxsan tahay waxaad mooddaa in ay ku nooshahay guriga dunida ugu quruxsan, oo ay igu soo dhoweynayso qasriga Taaj-Maxal.
Gurigii ayaan galnay. Waa qol faaruq ah oo aysan waxba aallin. Waa dhul, derbi, saqaf iyo salli lagu diyaariyay afur 10 qof loogu talagalay. Afurku waa saxan bariis ah, saxan rooti ah iyo saxan khudaar ah. Waan la fariistay, waxaanse ka cudurdaartay in aan la cuno. Balse igama yeelin ee wax badan ayay ii gurtay. Waan cunay. Waxaanse ka xumaaday islaamka dadka faraya in aysan maalin wax cunin 30 maalmood oo xiriir ah iyo sababta uu Alle islaantaan danyarta ah u amray in aysan wax cunin, waxna cabin. Haweeneydii ayaan waydiiyay: oo maxaad u soontaan?
Waxay tiri: waxaan u soonnaa si aan bishaan u dareenno gaajada ay maalin kasta dareemaan dadka danyarta ah. Waxaan la yaabay garashada haweeneydaan saboolka ah ee aan haysan hanti ay ku raaxeysato, oo dareemeyso nolosha dadka iyada ka liita. Waxaa cajiib ah haweeneydaan duruufta adag ku nool ee rabta in ay Alle ugu mahadceliso in ay gaajooto. Naftayda ayaa igu tiri: haddii uu Islaamku sidaas yahay, waxaan rabaa in aan muslim noqdo.
Markii aan Ingiriiska ku soo laabtay ayaan tegay masjid ku yaalla magaalada London, halkaas ayaana ku islaamay. Imaamkii iyo mu'addinkii ayaa i soo dhoweeyay, waxayna i bareen, iina fasireen faataxa. Waxaana masjidka ku dhex dareemayay xasillooni iyo degganaan nafsi ah.
Markii aan guriga ku laabtay ayaan labadeyda gabdhood oo 8 jir iyo 10 jir kala ahaa waxaan ku iri: hooyadiin waxay rabtaa in ay muslim noqoto ee ka warrama? Waxay i waydiiyeen saddex su'aalood. Waxay dhaheen:
1. Hooyo, hooyadeen ma sii ahaanaysaa haddii aad muslim noqoto? Waxaana u iri: haa, oo intii hore waan ka sii fiicnaan doonaa.
2. Hooyo Khamro ma sii cabaysaa haddii aad muslimto? Waxaana ku iri: maya. Waan joojinayaa oo mar dambe ma cabayo.
3. Hooyo haddii aad muslimto ma sidaan ayuu jirkaadu u qaawanaan doonaa? Waxaan ku iri: maxaa su'aashaan ii waydiinaysaan? Holly ayaana iigu jawaabtay: hooyo mar kasta waxaad baxdaa iyadoo qoortaada iyo xabadkaadu muuqdaan, sidaasna kulama jeclin. Waxaana ugu jawaabay: jirkeyga waan asturayaa markii aan bannaanka u baxayo. Waxayna igu dhaheen: hooyo annaguna islaamkaas waan rabnaa. Alle mahaddii, hadda gabdhaheygu waa muslimiin, wayna ila tukadaan.”
Markii ay muslintay waxay Ingiriiska iyo Reer Galbeedka kala kulantay duufaan dhaliilo iyo dhaleeceyn ah, oo ay uga jawaabtay maqaal ay ku daabacday wargeyska The Guardian oo ciwaankiisu ahaa: I'm now a Muslim. Why all the shock and horror?! Waxayna qortay buugga: Finding Peace in the Holy Land: A British Muslim Memoir.
Lauren iyo annagaba Alle islaamka ha nagu sugo.
Alle hanagu sugo Ilaahey Kuwa wanaagsan markasta u mahadceliya allah Naga yeelo, majirto insaan Ilaahey abuuray naga Nasiib badan oo sababto ummad badan ayaa jirta aan ku dhalan islaamnimo oo kaga nasiib wanaagsaahay dhankaas.
ReplyDeleteAllah ayaa mahadaas iska leh .